Ninku Waxa Uu Neceb Yahay Tafaasiisha, Markaasay Gabadhuna U Aragtaa In Ay Calool Xumo Ka Tahay (2)

0
977

Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Waa qaybtii labaad taxanahan aynu kaga hadlaynay kala duwanaanshiyaha dhinaca aragga, iyo kala soocidda midabbada ee ninka iyo gabadha iyo sababta cilmiga ah ee keentay in ragga iyo dumarku ku kala duwanaadaan garashada iyo fahamka midabbada iyo xataa hawlaha shaqadoodu u baahan tahay tafaasiisha dheeraadka ah iyo u fiirsiga xeesha dheer.

Midabbada:

Si la mid ah sidaa ay ragga iyo dumarku ugu kala duwan yihiin faallada iyo tafaasiisha iyo sida ay ugu kala duwan yihiin u fiirsiga iyo xiisaha faahfaahinta warka, ayaa ay ugu kala duwan yihiin tafaasiisha midabbada, laakiin weli ma is weydiisay waxa ay cilmi ahaan sababtu tahay? Isha bani’aadamku waxa ay ka kooban tahay qiyaas ah 100 Milyan oo unug oo qaab laydi ah u samaysan oo shaqadooduba ay tahay keliya in ay kala soocdo labada midab ee caddaan iyo madowga oo keliya, waxaa iyaguna isha ku beeran 10 Milyan oo unug oo u samaysan qaabka toobinka ee afka qalaad (cone) lagu yidhaahdo oo iyagana shaqadoodu ay tahay kala saaridda midabbada kale. Taas macnaheedu waa in unugyada isha ee qaabilsan kala saaridda midabbada caddaanka iyo madowgu ay ka duwan yihiin kuwa u xil saaran kala saaridda midabbada kale oo dhan. Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in unugyadani asal ahaan ay ka yimaaddaan ugxaanta qaybteeda X uu cilmigu u yaqaanno, waxaana aynu hore u soo aragnay in ogxaanta haweenku ay mar walba X yihiin, taas oo macnaheedu yahay in X ay ku badan tahay dumarka, halkaasna waxaa ka muuqanaysa sababta ay ninka iyo gabadhu ugu kala duwan yihiin qiimaynta iyo kala garashada midabbada.