Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga Cabdilaahi Abokor Oo La Xidhay

0
1039

Picture6Hargeysa (Geeska) Wasiirk ku xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor ayaa xalay saqadii dhexe xabsiga loo taxaabay, kadib markii ciidamo ay u daateen aqalkiisa, isla markaana ay rasaas u adeegsadeen ilaalo aqalka wasiirka ilaalinaysay.

Ina la hubo hal qof ayaa xalay rasaastaa ku dhaawacmay, waxaana la dhigay cibitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Xadhiga wasiirka ayaa lala xidhiidhinayaa siro uu ku baahiyey warbaahinta, isagoo sheegay in xubno wasiiro ahi ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ee ka dagaala koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka la xidhay ayaa sheegay inuu siro badan k hayo xukumada, balse xadhigiisa ayaa noqonayaa ka hor tag xogaha uu hayo.