Maskaxda Carruurta Faqiirka Ah Oo La Ogadaay In Ay Ka Yar Tahay Maskaxda Carruurta Ladnaanta Ku Kora

Published on Apr 15 2018 // Googooska Geeska

Washington (Geeska)- Faqrigu waxa uu ka mid yahay masiibooyinka aadamaha ku habsada, waqtiyada qaar, meelaha qaar iyo duruufaha qaarba, sababtu ha noqoto dagaallada, maamul xumada iyo talisyada aan u jixin jixin nolosha dadkooda, naxariis la’aanta, bakhaylnimada iyo gacan xidhnaata kuwa ladan iwm.

Cilmibaadhsaha lagu sameeyey farqiga u dhexeeya guud ahaan ubadka ladnaanta ku kora iyo kuwa nolosha faqiirka ah ku kora, ayaa muujiyey in carruurta faqiirka ahi ay maskaxdoodu ka dhumuc iyo xajmi yartahay maskaxda kuwa la da’da ah ee iyagu ladnaanta ku nool. Arrintan oo noqonaysa dhibaato cusub oo ku soo kordhaysa dhibaatooyinkii tirada badnaa ee faqrigu sababayey, waxa aanay mar kale soo celinaysaa qaylo dhaanta ah in la badbaadiyo ubadka faqiirka ah.

Waxaa jira cilmi cusub oo weli heer koritaan ku jira laakiin dunida aad looga soo dhoweeyey, cilmigaas oo loogu magac daray ‘Neuroscience of poverty’ cilmiga acsaabta faqriga’. Mary Helen Innordino-yang oo ku xeeldheer cilmiga acsaabta iyo maskaxda kana mid ah khubarada cilmigan cusub daraasaadka gaarka ah ku sameeya ayaa mid ka mid ah cilmibaadhisaheed waxa ay ku sheegaysaa in faqriga iyo duruufaha ku lammaan, sida rabshadda, buuqa badan, fawdada guriga, qashinka, nafaqo-darrada, cunto xumada, xadgudubyada lagula kaco carruurta ee inta badan ku bata deegaannada ay deggen yihiin, shaqo la’aanta waalidka iyo duruufaha sidan u qallafsan ee tirada badan ayaa dhammaantood saamayn taban ku yeesha caafimaadka maskaxeed ee ilmaha. Gaar ahaan waxa ay saamayn ku yeeshaan qaabsamaysanka, abuurka iyo goynta isla falgalka iyo xidhiidhka neerfeed ee maskaxda da’ yarta.

Daraasadahan oo natiijadooda lagu sheegay warbixin lagu faafiyey shabakadda Science News ayaa sheegtay in carruurta nolosha faqiirka ah ku soo kortay maskaxdooda qaybta qaabilsan bislaynta xogta iyo sida oo kale qaybaha xusuusta la xidhiidha, waxa kale oo ay saamayn ku yeeshaan maskaxda qaybteeda hore ee ‘Frontal Lobe’ afka ingiriisiga lagu yidhaahdo oo shaqadeeda ay ka mdi tahay in ay caawiso go’aanqaadashada, xal u raadinta mushkiladaha, xakamaynta cadhada iyo caadifadda iyo habdhaqanka bulsho ee qofka. Dhibaatada uu faqrigu ku keeno maskaxda da’ yartu intaas kuma koobna ee waxa uu sida oo kale dhaawac gaadhsiiyaa maskaxda qaybteeda ‘Temporal lobe’ loo yaqaanno oo ka qaybqaadata hadalka iyo luuqadda, bislaynta maqalka iyo aragga iyo baraarugsanaanta guud ee qofka, shaqada guud ee qaybaha aynu soo sheegnay ee maskaxdu qabtaanna waxaa ka mid ah fulinta iyo raacista awaamirta ay maskaxdu kaga jawaabayso doonista qofka, baraarugsanaanta iyo waxbarashada.

Dr. Jack Shonkov, agaasimaha xarunta korniinka ubadka ee jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka ayaa isaga oo ka hadlaya isku xidhka uu saynisku ku sameeyey maskaxda iyo faqriga, waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Muddo hore ayaa aynu ogaannay in xidhiidhka ka dhexeeya kala duwanaanta dabaqadaha bulsho iyo natiijada waxbarasho iyo caafimaad, laakiin cilmga neerfuhu waxa uu hadda ku guulaystay in uu isku xidho deegaanka, duruufaha, habdhaqanka iyo xarakaadka maskaxda”

Waxa kale oo uu ku taliyey in natiijadani ay ina barayso muhiimadda ay leedahay in aan ilmaha lagula dadaalin qoris/akhriska oo keliya, balse la ogaado muhiimadda ay leedahay in manhajka waxbarasho lagu daro duruus xoogga saaraysa korniinka bulsho iyo caadifadeed ee ilmaha, si aynu uga jawaabno natiijada cilmiga ah ee ina baraysa in uu xidhiidh ka dhexeeyo duruufaha iyo xaaladda qofku ku jiro iyo qaybaha kala duwan ee maskaxda uga masuulka ah habdhaqanka qofka iyo awoodda waxbarasho ee uu yeelanayo.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!
<-- START OF NEWGAIN GA CODE--> <-- END OF NEWGAIN GA CODE-->