Iska Jir Gooni-Joognimada! Waxa Ay Ka Mid Tahay Sababaha Keena Wadne Istaagga, Iyo Barashada Balwadaha Xun

0
1056

London (Geeska)- Goonijoognimada iyo bulshada oo gaar looga soocnaadaa waxa ay sababaan wadne xanuun gaadhsiisan illee heer uu wadnuhu si kedis ah u istaago ama dhiigga oo maskaxda ka xidhma ama ku furma. Waxaa sidaas caddaysay cilmbaadhis salballaadhan oo lagu sameeyey dalka Ingiriiska.

Daraasaddan oo natiijadeeda la baahiyey salaasadii toddobaadkii hore ayaa intii ay socotay waxaa tijaabo lagu sameeyey 479 kun oo ruux, oo ka jawaabay su’aalo lagu ogaanayey in ay yihiin, ‘gooni-joog bulshada ka soocan’ daraasaddan oo iftiimisay in dadka qaar laga yaabo in aanay isku ogeyn dabeecadda gooni-joognimada laakiin xaqiiqada ay sidaas yihiin, ayaa waxyaabaha ay eegtay waxaa ka mid ah waqtiyada uu qofku guriga ku qaado iyo inta uu bannaanka guriga ku qaato iyo arrimo la halmaala oo ka mid ah xidhiidhka uu bulshada la leeyahay.

Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Finlaand ayaa ku qoray majaladda ‘Heart’ ee ka faalloota caafimaadka wadnaha in gooni-joogga iyo bulshada oo mar kasta gaar laga ahaadaa ay xidhiidh aad ah la leedahay xanuunnada wadnaha ku dhaca, ama dhiigfuranka maskaxda. Waxa ay cilmibaadhayaashani sheegeen in gaar uga joogga bulshadu ay ka mid tahay khataraha laga fisho in qofka ay ku keento dhimasho kedis ah, oo ka imanaysa wadne istaag iyo faalig ku dhufta maskaxda.

Waxa kale oo ay daraasaddu sheegtay in bulsho ka faquuqnaantu ay horseeddo caadooyin aan caafimaadka u fiicnayn oo ay ka mid tahay, sigaar nuugis, cunto aan isu dheellitirnayn, xarakaadka jidhka oo yaraada iyo dhibaatooyin nafsadeed iyo qofka oo shaqaysan waaya.

Cilmibaadhisaha arrintan lagu sameeyey waxa ay ina tusayaan in gooni jooggu uu boqolkiiba 32 kordhiyo suurtagalnimada in qofka uu wadne xanuunku ku dhaco ama maskaxda dhiig ku furmo ama ka xidhmo, taasina keento faalig iyo dhimasho kedis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here