Ma Run Baa In Uu Soo Jeedka Badan Ee Habeennimo Uu Garaadka Qofka Kordhiyo?

0
802

Madrid (Geeska)- Haddii aad tahay dadka saacadaha badan ee habeenkii soo jeeda, waxba ha ka warwarin, ee is weydii uun waxa aad soo jeedkaas uga faa’idaysato, waxaaba dhici karta in soo jeedkaasi uu marag u yahay in aad maskax iyo fariidnimo dheeraad ah leedahay. Waayo caddaymo cusub oo cilmiya ayaa daahfuray in uu xidhiidh ka dhexeeyo qofka oo awoodi waaya in uu habeenkii goor hore seexdo iyo heerka fariidnimada qofka.

Cilmibaadhis loo bixiyey, ‘Waa maxay sababta dadka soo jeedka habeenkii jeceli ay dadkakale uga fariidnimo badan yihiin’ ayaa lagu sheegay in dadka saacadaha dambe ee habeennimo seexda ay u dhowdahay in ay maskaxdoodu ka garasho iyo fariidimo badan tahay kuwa fiidka seexda, iyo in carruurta habeenkii saacadaha dambe soo jeedaa ay aad uga fariidnimo iyo maskax bataan kuwa la midka ah ee iyagu hurdada jecel.

Tijaabo ay cilmibaadhistani ku samaysay kun qof oo da’ yar soo koraysa ah ayaa ay cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Madrid ee dalka Isbayn, ku ogaadeen in da’ yartan kuwooda jeclaa in ay habeenkii in badan soo jeedaan laga arkay maskax badnaan, mustaqbalkana ay noqdaan kuwa shaqooyinka sare qabta, awooddana u lehin ay dakhli badan sameeyaan.

Si kastaba ha ahaato ee haddana waxa ay khubaradu qirayaan in dadka maalintii sida firfircoon u shaqeeyaa ay dhinaca imtixaaaadka kaga fiican yihiin kuwa habeenkii waxbarashada ku soo jeeda, taas oo ay culimadu ku sababeeyeen in waxbarashadu ay caadi ahaan tahay shaqooyinka maalinnimada la qabto ama la barto, sidaa awgeed dadka soo jeedka badan lihi aanay xiisayn in ay habeenkii ku mashquulaan ama si niyad ah ugu soo jeedaan arrimo waxbarasho, haddii ay dhici lahaydna ay natiijadoodu intaas ka fiicnaan lahayd.