Shirkadda Apple Oo Suuqyada Imaaraadka Dib Uga Gurtay Talefannada Gacanta Ee iPhone 6s Oo Cillad Lagu Ogaaday

0
753

Abu Dhabi (Geeska)- Wasaaradda dhaqaalaha ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo shirkadda Apple ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa ku heshiiyey in dib suuyqada Imaaraadka looga guro talefannada casriga ah ee iPhone 6-S, kadib markii la’ ogaaday in baytariga talefannadani uu leeyahay cillad.

Dr. Haashim Nucaymi  oo ah agaasimaha Waaxda daryeelka Macmiilka ee wasaaradda ayaa xaqiijiyey in talefannadan dib loo ururiyey kadib markii shirkaddu ay qirtay in ay soo baxday cillad la xidhiidha baytariga talefannada casriga ah ee iPhone 6s waxa aanay shirkaddu illaa hadda dib u ceshatay 88 kun iyo 7 boqol oo talefannadan ah, kuwaas oo cilladaha lagu arkay ay ka mid tahay talefanka oo mar keliya si kedis ah iskii isugu deminaya iyada oo aanu macmiilku sidaas dalban.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Bayaan ee ka soo baxa Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa itaas ku daray in shirkaddu ay kula talisay guud ahaanba dadka hore u iibsaday talefannadan ee imika isticmaalaa in ay booqdaan bogga internet ka, www.apple.com/ae/support/phone6s-unexpectedshutdown si ay u hubsadaan bal in baytariga talefankooda ku jiraa yahay nooca cilladda keenay ee u baahan in la beddelo, haddii aanay boggan fahminna in ay dhaqso ugu tagaan gooba dayactirka talefannada ee arrintan ku xeeldheer.