Bakteeriya Samays Ah Oo Qofka Lagu Beerayo Si Ay U Khiyaamayso Cudurka Oo Faafitaanka Ay Uga Ilaaliso

0
804

London (Geeska)-  Dulin iyo cudur-sideyaal kala duwan ayaa jidhka noolaha joogto weerar ugu haya, kuna keena dhibaatooyin iyo cudurro, waxa aana loo sameeyey, joogtana loo ikhtiraacaa dawooyin kala duwan oo lagula dagaalamo. Haddaba cilmibaadhiso cusub ayaa helay xeelado aad u heersarreeya oo ah in tiknoolajiiyad loo adeegsado ka takhalusidda cudurka.

Waxaay saynisyahannadu ikhtiraacee in la sameeyo unugyo samays ah oo aad ugu eeg unugyada noolaha, kadibna loo diyaariyo hab iyaga oo unugyadani ka faa’idaysanaya farsamo tiknoolajiyadeed ay ula xidhiidhi karaan unugyada jidhka ee dabiiciga ah uguna qancin karaan in ay la mid yihiin, si aanay unugyadu ugu qaadan shay jidhka dheeraad ku ah oo ay tahay in ay la dagaalamaan.

Cilmibaadhayaashu waxa ay rajaynayaan in unugyada dabiiciga ahi ay ku dagsoomaan unugyadan samayska ah, kadibna ay u soo jiidaan kiimikooyinka muhiimka ah, taas oo aakhirka looga faa’idaysan karo in ay gacan ka geysato joojinta faafitaanka cudurka.

Qormadan caafimaad ee uu Geeska Afrika turjumay oo lagu qoray wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegaysa in cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Trento ee dalka Talyaanigu ay sameeyeen farsamada unugyadan samayska ah oo tijaabooyinkii lagu sameeyey ay qireen tayadooda aadka u sarraysa. Waxa ay awood u leeyihiin in ay dareemaan walxaha ili-ma-qabatayga ah ee ay bakteeriyadu sida dabiiciga ah u soo deyso, kadibna ay kaga jawaabayaan ishaarooyinki kiimikaad. Unugyada samayska ahi waxa ay awood u leeyihiin in ay sameeyaano roondayn / wareeg cayiman oo ay jidhka ku ilaalinayaan.

Arrinta sida gaarka ah dareenka saynisyahannada u soo jiidatay ayaa ah in unugyadan samayska ahi ay awood u leeyihiin in ay helaan dulinka iyo cudur-sideyaasha, isla markaana awood u yeeshay in uu ka jawaabo isharooyinkooda. Waxa aanay cilmibaadhayaashu rajaynayaa in unugyadan samayska ah, mustaqbalka loo isticmaali karo la dagaallanka bakteeriyada cudurka keenaysa.