Haddii Aad Shabeelka Ku Ogeyd Dad-Qaad Laga Baqo: Waxaa Jira Dal Ay Hilbihiisu Yihiin Cuntada Ugu Sarraysa Ee Ay Cunaan Maalqabeenka Iyo Dadka Dabaqadda Sare

0
1076

Beijing (Geeska)- Dalka China ma jiro nooc hilib ah oo aan la cunin, xataa haddii uu yahay hilib dameeraad, hilib daanyeer ama hilib ey iwm. Dadka qaarna waxa ay yidhaahdaan dalkaas waxaa xalaal ka ah noole kasta oo duula, xamaarta ama lugo ku socda ama badda ku nool marka aadamaha laga reebo, oo weliba la sheego gobollada qaar dadka ku nool in ay cunaan hilbaha ubadka yaryar ee shafeeca. Laakiin qiimaha hilibbadan iyo dabaqadaha dhaqaale ee dadka cuna ayaa kala duwan, waxa aanay ku xidhan tahay hadba nooca xayawaan ee aad hilibkiisa doorato. Tusaale ahaan hilibka Shabeelka oo ay cunaan maalqabeennada iyo dadka dabaqada sare ayaa uu qiimihiisu yahay ka ugu qaalisan dalka China.

Hilibka Shabeelku ma'aha oo keliya cunto gaajada loo isticmaalo, ee sidoo kale waa dawo dhaqameed ay aaminsan yihiin dadka reer China inuu cudurro badan uu dawo ka yahay. Qiimaha qaaliga ah ee hilibka Shabeelku waxa uu gaadhay heer inta dalalka deriska la ah China lagu soo qalo shabeelka hilbihiisa loo soo tahriibiyo sayladaha hilibka ee China oo lagu siisto qiimo aanay maskaxdu keeni Karin. Dilista Shabeelku waa ka mamnuuc dunida, waxaana ka yaalla xeerar ciqaab lagu mutaysanayo maadaama oo uu ka mid yahay xayawaannada laga baqo qabo in ay dabar go’aan, si kastaba ha ahaato ee haddana lagama waayo sayladaha hilibka ee China oo qofka hal-neef hilibkii keenaa ay hubaal tahay in uu kaas oo keliya ka dhigan karo raasamaal uu ku taajiro, dalalka deriska iyo dunda oo dhan ayaana hilibkaas looga soo tahriibiyaa.