Guurku Waxa Uu Ka Hortag Fiican U Noqon Karaa Isku Dhexdaadashada Maskaxda Iyo Asaasaqa

28
3358

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa shaaca ka qaadday in doobabka/gaashaantimaha iyo dadka lammaanahoodu ka dhinto ama kala tageen iyaga oo weli yar, ay marka ay weynaadaan halis u yihiin cudurka maskaxda isku dhexdaadiya ee asaasaqa. Cilmibaadhayaashan oo lafagur iyo gorfayn ku sameeyey natiijada 15 cilmibaadhisood oo hore loogu sameeyey sababaha keeni kara cudurka asaasaqa. Waxa kale oo ay baadheen xaaladda qoysnimo ee in ka badan 8 boqol oo kun oo qof oo u dhashay Yurub, Woqooyiga Ameerika iyo Koonfurta Aasiya.

Daraasaddan oo natiijadeeda lagu faafiyey majalad ka faalloota caafimaadka dareen-wadayaasha, caafimaadka nafsiga ah iyo qalniinka maskaxda iyo neerfaha, ayaa gaadhay natiijo ah in asaasaqa yimaadda gabowgu uu boqolkiiba 42 ku badan yahay dadka aan hore u soo guursan ama iyaga oo weli dhalinyaro ah guurku ka burburay ama midkood dhintay ee aan dibna u guursan.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey oo ay wehelinayeen xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda London ayaa sheegay in cilmibaadhiso hore ay muujinayaan in dadka xaasleyda ah hab nololeedkoodu uu inta badan yahay mid caafimaad ahaan saxan, sida oo kalana ay dadka aan xaasleyda ahayn kaga fiican yihiin nolosha bulshada. arrimahaas oo la ogyahay in ay kaalin mug leh ka qaataan wanaajinta caafimaadka qofka.

Waxa ay gaar u sheegeen cilmibaadhayaashu in dadka xaasleyda ahaa ee iyaga oo weli da’ yar uu lammaanaha midkood dhinto ama kala tagaan ay ka nool ama marka ay kala tagaan labadoodaba ku keento warwar iyo sakati si kedis ah ugu dhaca noloshoosa, taasina ay tahay mid ka mid ah sababaha u gogol xaadhaya caafimaad darrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here