Saaxiibada Carruurnimo Ee Daacadda Ahi Waxa Ay Ka Hortag U Noqdaan Cabsida Bulsho Iyo Caafimaad Darrada Nafsiga Ah

88
12582

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa muujisay in da’ yarta oo la saaxiibta dadka daacadda ah ay ka fogeyso in mustaqbalka dambe ay cabsi iyo warwar kala kulmaan la dhaqanka bulshada.

Cilmibaadhistan oo ay kormeeraysay Rachel Nar oo shahaadada sare ee Doctrate ka  diyaarinaysa jaamacadda Virginia ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday muhiimadda ay saaxiibbada daacadda ah ee wacadka ilaaliyaa ay u leeyihiin carrurutu xilliga ay ku jiraan koritaanka, gaar ahaanna waxa ay si weyn uga caawisaa la qabsiga uu qofku marka uu weynaado la qabsanayo dhexgalka iyo la macaamilka bulshada.

Waxaa jirta xaalad nafsi ah oo afka ingiriisiga lagu yidhaahdo, ‘Social anxiety; waa qofka oo ka baqa xaaladaha bulsho eek a dhalan kara dhexgalka iyo la macaamilka dadka kale. Tusaale ahaan qofka oo ka baqa in fal ama hadal uu yidhaahdaa u soo jiido dadka oo aragti xun ka qaata ama qof liita u arka. Waa xaalad aad u xun oo saamaysa dhammaan dhinacyada nololeed ee qofku ku dhex leeyahay bulshada, iyo galaangalka uu yeelanayo. Isaga oo ka baqa in uu waajaho go’aamo bulsho oo gaar ah, in uu dadka dhexgalo, in uu la macaamilo, wax iibsado, wax ka iibiyo, wax kala soo noqdo iwm.

Haddaba waxa ay daraasaddani iftiimisay in xaaladdani ay ku badan tahay dadka saaxiibbada daacadda ahi ku yar yihiin, gaar ahaan xilliyada ay ku jiraan da’da dugsiga sare. Tijaabooyin kala duwan oo ay cilmibaadhayaasha daraasaddani sameeyeen ayaa ay ku ogaadeen da’ yarta marka ay 15 sano jiraan samaysta saaxiibbada adag ee kalsoonida ay ku qabaan daacadnimadooda in ay korodho kalsoonida ay naftooda ku qabaan, hoosna u dhacaan xaaladaha nafsiga ah ee ku dhacayaa.

Waxa ay khubaradu sheegeen in marka noloshan casriga ah la eego ay fududahay in qofku uu saaxiibbo badan samaysto, gaar ahaan dhalinyarada oo saaxiibtinimada badankeedu u soo marto baraha xidhiidhka bulshada ee internet ka, laakiin waxa ay aad u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in qofku uu hubiyo in xidhiidhka saaxiibtinimo ee uu yeelanayaa uu noqdo mid kalsooni ku dhisan, oo daacadnimo iyo niyadwanaag ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here