Imisa Af Ayuu Ku Hadlayaa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

153
8248

Moosko (Geeska)- In kasta oo uu aad uga feejigan yahay in lagu arko isaga oo af kale ku hadlaya, taasina ay keentay in dad badani u qaataan in uu afkiisa hooyo oo keliya ku hadlo, haddana waxa ay xaqiiqadu tahay in madaxweynaha Ruushka Vlademir Putin uu ku hadlo afaf badan oo aanu ku jirin ka Ruushku.

Afka Jarmalka: Muddo shan sano oo is xigta ah ayaa uu madaxweyne Putin ka shaqaynayey dalka Jarmalka, gaar ahaan intii ka horreysay dumintii deyrkii baarliin. Muddadaas uu Putin joogay Jarmalka oo uu u shaqaynayey laanta sirdoonka ee Midowgii Soofiyati iyo Ruushka waxa uu si fiican u bartay afka Jarmalka oo uu si carrab furan ugu hadlo. Laakiin noloshiisa hal mar ayaa la arkay isaga oo ku hadlaya. Waa markii uu uu sannadkii 2001 da khudbadda u jeediyey baarlamanka federaalka Jarmalka.

Afka Ingiriisiga: Intii ka horreysay sannadkii 2010 ka Putin sir ayaa ay u ahayd in uu afka Ingiriisiga ku hadli yaqaannaa, laakiin waxaa sannadkaas mar keliya dunidu dhegaha u furtay Putin oo khudbad rasmi ah ka jeedinayey munaasabadda horyaalka caalamiga ah ee ciyaarata legdinta (Judo) oo Putin laftigiisu suumam badan ku haysto. Putin ayaa khudbaddiisan si lama filaan ah ugu jeediyey afka Ingiriisiga. Saddex sano kaddib oo ahayd 2013-kii ayaa uu Putin mar kale talefishanka ka jeediyey khudbad afka ingiriisiga ah, munaasabad uu ku taageerayey in magaalada

Yekaterinburg ee dalka Ruushku ay sannadka 2020 ka martigeliso carwo caalamiya oo shanti sanaba mar dal lagu qabto.

Afka tatarka: Afkan waxaa lagaga hadlaa jamhuuriyadda Tatarstan oo ka mid ah Federaalka Ruushka. Waa afka labaad ee loogu hadalka badan yahay dalka badan yahay Federaalka Ruushka. Sannadkii 2005 ayaa la arkay madaxweyne Putin oo ku hadlaya afka Tatarka mar uu khudbad rasmi ah ka jeedinayey Kazan oo markaas Kun jirsatay.

Afka Iswidhishka: Sannadkii 2013 ka, ayaa madaxa shaqaalaha aqalka Kremlin ka ee Ruushka looga taliyo oo magaciisu ahaa Sergei Ivanov waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweyne Putin ay marar ku wada hadlaan afka Iswidhishka ee lagaga hadlo dalka Sweden. Hadalka Ivanov ayaa ka mid ahaa waraysi uu siiyey wargeyska Rossiiskaya Gazeta oo dalka Ruushka ka soo baxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here