Farta Oo La Jaqo Iyo Ciddayaha Oo Ilkaha Lagu Guraa Waxa Ay Carruurta Ka Ilaalin Karaan Xasaasiyadda

0
758

1Berne (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in carruurta caadada ka dhigta in ay faraha jaqaan ama ciddiyaha afka ku guraan ay si weyn ugu yar tahay xasaasiyadda maqaarka ku dhacdaa.

Cilmibaadhis uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Waikato dalka New Zealand ayaa caddaysay in dhaqan carruureedkan oo ka soo bilowda marka uu ilmuhu uurka hooyada ku jiraa uu ka ilaaliyo sababaha keena xasaasiyadda sida boodhka, urta dhirta iyo doogga qaarkii, dhogorta xoolaha iwm, maadaama oo jeermiska ku jira waxyaabahani uu ilmuhu isaga oo yar qaadayo, kadibna ay taasi sababayso in jidhkiisu adkaysi u yeesho, habdhiska difaaciisuna isu diyaariyo sida ugu habboon ee uu isaga difaaci karo si sahal ah.

Laakiin cilmibaadhisani meesha kama ay saarin in waxyaabaha aynu soo sheegnay uu ilmuhu ka qaadi karo xiiqda iyo sanboorka. Sidoo kalana waxa ay cilmibaadhayaashu ku taliyeen in aan ilmaha lagu dhiirrigelin caadooyinka aynu soo sheegnay, maadaama oo caadada far jaqistu ay dhibaato ku keento ilkaha iyo koritaankooda, suurtogalna ay tahay in ay qallooc ku keento oo uu ilmuhu marka dambe ilko raaran yeesho, waxa kale oo ay saamayn ku yeelataa qaabka hadal ee ilmaha.