Farriinta Dheregga Ee Maskaxdu Waxa Ay Caloosha Ku Soo Gaadhaa 15 Daqiiqo, Sidaa Awgeed Cuntada Aad Yar Cun Si Aanad Farriintaas Ka Hor U Cunin Xaddi Ka Badan

0
595

1Qatar (Geeska)- Haayadda gurmadka caafimaadka ee degdeggga ah oo ka dhisan dalka Qatar ayaa talooyin ay sabtidiii toddobaadkii hore ku baahisay barteeda facebook waxa ay ku dartay in cuntada oo aad yar la cunaa ay u fiican tahay caafimaadka qofka.

Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in sideedaba maskaxda oo iyadu soo saarta go’aamada qofka hagaya ay dareenka dheregga ee caloosha ay u soo diraysaa uu qaato muddo 15 daqiiqo ah in uu ku soo gaadho caloosha oo marka uu dareenkaasi soo gaadho uun qofku uu fahmo in uu dhargay.

Haddaba sida lagu sheegay warbixin caafimaad oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Jazeera cuntada oo uu qofku si degdeg ah u cunaa waxa ay keenaysaa in uu cuno cunto ka badan intii uu qaadi karayey, iyada oo aanu weli dareenkii dheregga ahaa ka iman maskaxdana ay caloosha gelayso cunto aad u badani, sidaa awgeed qofku goor uu cunay cunto ka badan intii uu u baahnaa uu dareemayo dhereg xad dhaaf ah, waana mid ka mid ah sababaha keenaya in qofka uu miisaan badani fuulo iyo in dheefshiidka ay cillado ku yimaaddaan. Lakaiin haddii uu qofku cuntada si aad yar ah u cuno aadna u calaaliyo waxa ay ku simaysaa in farriinta dheregga ee maskaxda ka imanaysaa ay caloosha soo gaadho xilli aanay weli aad cunto badan u qaadan, sidoo kale calaaliska badan ee cuntadu waxa uu dheefshiidka ka fududeeyaa shaqada badan ee gaadhi lahayd in hawsha burburintu ay isaga u wada taallo.