Sirta Geerida Yar: Maxaa Jidhkeenna Ku Dhaca Marka Aynu Seexanno Maxaa Se’ Sabab U Ah (Q. 1)

0
835

1In kasta oo ay dadku ku kala duwan yihiin saacadaha ay hurdaan, haddana marka xisaab ahaan la eego saacadaha celcelis ahaan uu qofku seexdo kadibna la xisaabiyo inta ay ka noqonayso waqtiga noloshiisa oo laga qiyaas qaadanayo cimriga dadku u badan yihiin, waxaa soo baxaysa in qof kasta uu noloshiisa saddex meelood meel ahaan uu ku qaato hurada oo sidoo kale lagu magacaabo ‘Geerida Yar’.

Hurdadu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha in kasta oo cilmibaadhiso badan laga sameeyey xog badanna laga helay, haddana weli la aaminsan yahay in ay siro badan oo qaarkood mucjiso Rabbaaniya yihiin ku duugan yihiin. Saynisyahanno muddo isku hawlay in ay tafsiir u raadiyaan arrimaha muhiimka ah ee jidhka qofka ku dhaca inta uu hurdo ayaa ogaaday arrimo badan oo ay ka mid yihiin:

– Hurdadu waxa ay nasisaa jidhka, taas oo kaalin weyn ka qaadata wanaajinsta awooddiisa hawlgudasho ee maalintii, saamaynta aan fiicnayn ee hurdo xumadu ay qofka ku keentana waxaa ka mid ah in xusuustiisu daciifto, in dhugmada maskaxdu ka lunto, iyo in uu isku arko xaalado nafsi ah oo ay ka mid yihiin isku buuq iyo diiqad.

– Hurdada duhurka kadib waxa ay qofka ka caawisaa in ay xoogaysato awoodda maskaxda ee hawlgudashada iyo jawaab celinta. Waxa se’ ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in muddada hurdada maalintii aanay ka badan 30 daqiiqo, si aanu jidhka qofku ugu sii gudbin marxalado hurdo oo xeeldheer, sidaa awgeed soo toosiddu aanay dhibaato ku keenin, ama hurdadu caajid iyo burbur ugaga tegin.

– Xilliga hurdada jidhku waxa uu maraa dhowr marxaladood oo kala duwan, waxaa ka mid ah, marxalad loo yaqaanno, “Dhaqdhaqaaqa indhaha ee dhaqsaha ah”; oo ah in jidhku dhammaantii xasilo marka laga reebo labada indhood oo ay khubaradu sheegeen in ay si xawaare ah degdeg ugu dhaqdhaqaaqaan, celcelis ahaan hal ay dhaqaaq30kii ilbidhiqsiba, marka uu qofku xaaladdaa ku jiraana waa arka intat badan uu riyada arko, waayo maskaxdii ayaa weli firfircoon. Marxaladda  labaad ee hurdada oo loo yaqaanno marxaladda “Dhaqdhaqaaqa indhaha ee gaabiska ah” Waa marka uu qofku hurdada dheer galo, waana marka uu jidhku dhab ahaan u helo nasashada uu hurdada ka helo.