Dhaqannada bulsho ee aad ka filan karto Hindiya, Giriigga, Marooko, Tuuniisiya, Jarmalka iyo Isbayn

47
3046

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah dhaqannada kala geddisan ee bulshooyinka dunida ku nool. Waxa se afeef ah in ay suurtagal tahay in haddii aad bulshooyinkan dhextagto aanad arkin ama dareemin dhaqannadan qaar, sababtu waxa ay noqon kartaa dalka oo ay bulshooyin aad u tiro badani ku nool yihiin sida Hindiya, sidaa awgeed laga yaabo qoraaga dhaqankan qoray in uu qaybo bulshada ka mid ah uun daraaseeyey. Waxa kale oo la ogyahay in reer magaalowga, isu furanka dhaqannada iyo horumarku ay wax badan ka beddeleen dhaqannadii soo jireenka ahaa, sidaa awgeed dalalka qaar dhaqannadani hadda raad badan oo muuqda kuma laha.

Jabbaan

Dalka Jabbaan oo ah dal cid kasta oo tagtaa jeclaataa, waxa uu caan ku yahay in munaasabadaha dadku ku kulmaan ay yihiin kuwo aad u deggen. Haddii aad dalkan tagto, marka aad goobaha dadweynaha joogto iska ilaali in aad cod dheer ku hadasho ama aad ku kacdo arrin uun macno darro u muuqda.

Waxaa la yaab leh in magaalooyinka dadkoodu aadka u tirada badan yihiin, sida magaalada Tokyo ay dadkoodu ay yihiin dad deggen oo aanad cadho badan ku arkayn. Iska jir in aad ka cadhaysiiso deriskaaga, gaar ahaan habeenkii iska ilaali in aad samayso wax uun ay dhibsan karaan dadka deriskaagu, waayo dadka reer Jabbaan waxa ay aad u necebyihiin cid ka rabashta raaxadooda. Ku dadaal in aad noqoto ruux dadka tixgelin xooggan kula dhaqma, iskana ilaali dabeecad kasta oo cadho badnaan iyo fudayd muujinaya.

Megsiko (Mexico)

Dalka Megsigko, casuumaddu ma dhammaato. Haddii aad joogto guri qoys Megsikaan ah, munaasabaddu waxa ay doonto ha noqoto ee, u diyaar ahoow, in aad aad u caweyso oo habeenkaas aad goor aad u dambaysa uun ka dhammaan doonto munaasabaddaas ama kulankaas.

Xitaa haddii martida hurdo badani hayso (Luloonayaan) ama ay doonayaan in ay guryahoodii ku hoydaan, cidi u joojin mayso ee waa ay sii soconaysaa maadda iyo cawaysku, waxa aanay u dhowdahay in la soo jeedo illaa waaberiga.

Inta aad munaasabadda joogto iska ilaali in aad mar keliya muujiso dareen dadku u qaadan karo cadho ama diidmo, dhoolla caddaynta ku dadaal, waayo dadka reer Megsiko waxa ay caan ku yihiin dhoolla caddayn.

Kuuriya

Waxa ugu horreeya ee ay tahay in aad samayso marka aad guri timaaddaa waa in aad kabaha la baxdo, waana dhaqan aad looga tixgeliyo guud ahaanba bulshooyinka qaaradda Eeshiya. Marka aad guriga soo gasho ku dadaal in aad waxooga ereyo ammaan iyo bogis ah ka tidhaahdo dadka ku martigeliyey iyo guriga ama goobta laguugu martigeliyey. Waxa kale oo aad xasuusnaataa in marka koowaad ee cuntada aad dhadhamiso, la wada sugayo dareencelintaada, sidaa awgeed xitaa haddii aanad cuntada ka helin, ku dadaal in aad ku sheegto cunto aad u macaan oo ku cajab gelisay. Hana ku degdegin in aad noqoto qofka koowaad ee cuntada dhadhamiya, waayo, dhaqan ahaan marka miiska cuntada la isugu yimaaddo cidda martida loo yahay ayaa ay tahay in cuntada marka koowaad dhadhamiso.

Waxa kale oo muhiim dhaqan ahaan in qofka martida ahi uu dhammaysto bilaydhka uu cuntada ku ritay, sidaa awgeed marka hore ku dadaal in cuntada aad ridanaysaa ay noqoto mid aad dhammaysan karto.

Barasiil

Ballan oofintu Baraasiil waa arrin uun qof iyo xaaladdii ku xidhan oo aan muhiimad guud la wada siinin. Guriga ballanta aad ku leedahay ha tegin isla waqtiga laguula ballamay ee ka dib dhac, waa haddii aanu qofka ku martiqaaday si gaar ah kuugu adkayn waqtiga ballanta.

Haddi iaad qof reer Baraasiil ah la ballanto oo uu aad kaaga dib dhaco, iska jir in aad aad uga cadhooto, waayo isagu dhaqan ahaan ayaanu dhibba u arkin in uu ka daaho ballanta, in aad adigu cadho badan ka muujisaana ka badbadin ayaa ay ula muuqan kartaa.

Marka aad guri qoys reer Baraasiil ah marti ku tahay, iska jir in aad is martiyeyso, waayo dhaqan ahaan qofka martida ahi waa in uu u dhaqmo sida ruux gurigiisii jooga. Tusaale ahaan kalsooni dareen, oo dhib ha u arkin in aad tallaagada iska furato oo wax kala soo baxdo, in aad cuntada miiska la soo dhigayo gacan ka geysato ama marka dambe weelka gurto, oo aad la shaqayso xubnaha kale ee qoyska.

Shiinaha

Sida ay u badan yihiinba dhaqannada bulshooyinka Eeshiya, cuntadu macno badan ayaa ay leedahay. Sidaa awgeed marka dhaqan la so oqaado waxaa muhiim ah in sheekadu ay cuntada gasho. Haddii ruux Shiine ahi ku martiqaado ha illaawin in aad ereyo ammaan ah ka tidhaahdo cuntada uu kugu casuumay.

Dhaqan ahaan ruuxa Shiinaha ahi martidiisa waxa uu u yaqaannaa boqor. Sidaa awgeed waa in aad tustaa dareen muujinaya in aad raalli ka tahay sida uu kuu soo dhoweeyey.

Ruushka

Marka aad timaaddo guri aad marti ku tahay, kabaha bannaanka ku bixi, hana illaawin in ruuxa aad martida u tahay ee kadinka kugu qaabilaa uu kuu dhiibi doono laba kabood oo dacas ah oo loogu talagalay in guriga gudihiisa uun lagu joogo.

Marka aad guriga soo gasho dadka guriga jooga si guud u salaan oo ha wada gacan qaadin.  Xasuusnowna in dadka ruushka ahi ay martidooda u diyaariyaan cunto aad u badan, ku dadaal in aad cuntada noocyadeeda dhammaan wax ka cunto, xasuusnoowna in cidda aad martida u tahay ay kaa filayso in aad hadyad fudud soo qaaddo marka aad guriga imanayso. Xidhmo ubax ah ayaa kugu filan, waxa aana dhaqan ahaan fiican in tirada ubaxu noqoto tiro kala dhiman.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here