“Wixii Bataaba Iyaga Ayaa Is Jabiya, Lacagteenu Markii Hore Iyada Ayaa Is Jabisay”

23
2993

Xildhibaan Dheeg

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay sicir bararka, xeerka kufsiga ee Golahoodu joojiyeen iyo buugii uu qoray Wasiirka Warfaafintu ee muranka iyo buuqa dhaliyey, waxaanu Wasiirka ugu baaqay inuu raaligelin bixiyo.

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Soomaalidu waxay tidhaahda ma rabtaa riqiis waaye, ma qabtaa qaali waaye, wixii bataaba iyaga ayaa is jabiya, lacagteenu markii hore iyada ayaa is jabisay, lacagteenu iyada ayaa fara badatay, maanta shanteenii kun waxay goynayaan wixii ay shanta boqol goyn jirtay, waxaasna waxa keenay fara badnaanta, anigu waan soo jeediyey, oo waan ku celceliyey, oo waxaan idhi lacagtaas intu dalku u baahan yahay ha la reebo, inta kalena meel ha lagu xidho, oo ha laga shaqeeyo sidii lacagta loo habayn lahaa, oo khubaro ha loo diro, ta labaad Itoobiya qaad baa ka yimaada, khudrad baa ka timaada, wax fara badan baa ka yimaada, sibidh baa ka yimaada, wixii oo dhan inta Somaliland lagu iibiyo, ayaa haddana la odhanayaa casarka ayaa doolar hayaaye, waa in la yidhaahda Itoobiya Gobol kasta oo Somaliland ka fura Baan, lacagta Itoobiya taalo, oo lacagta Somaliland ee casarkii soo baxda lacagta Itoobiya ha lagu bedelo, Itoobiya aad bay ugu adag tahay, sababtoo ah maalin walba hal milyan oo doolar baynu galinaa, waxay haysata ceel badroola oo doolar u soo saaraya, markaas waxaanu leenahay ma xamili karno intaas in ka badan ee Itoobiya hah soo dirto bedelkooda ha inaga qaadato, oo waxyaabo fara badan baynu ahaynaa, oo Kalluun baynu ahaynaa, Milix baynu haynaa, ta kale qof kasta oo wax iibinayaa waa inuu wax ku iibiyaa lacagta Somaliland oo uu yidhaahda intaas oo Somaliland ayaan wax ku iibinayaa, ee ha la daayo intaas oo doolar ayaan wax ku iibinayaa, Shirkaddaha iyo Sariflayaasha haddii la taabtaabto wey ka sii daraysaa”.

Xildhibaan Dheeg mar uu ka hadlaayey awooda Baanka Dhexe ayaa yidhi “Imika ayaad mooda in Baanka la sheeg sheegayo, ee Dawladda Siillaanyo lama sheeg sheegi jirin, Baanba ma jirin, ee wax walba waxoodii ha lagu soo celiyo”.

Dhinaca kale Xildhibaan Dheeg ayaa sheegay in heshiiskan saddex geesoodka ahi uu yahay horumarkii ugu horeeyey ee Somaliland ku talaabsatay, isla markaana ay khalad tahay inay Somaliya ka hadasho, waxa kale oo uu xusay inuu Somaliland aad ugu amaanayo mawqifkii ay qaadatay ee ahayd inay taageeraan xulafada Sucuudiga iyo Imaraadka, halka ay Somaliya dhex-dhexaad ka noqotay, waxaanu tilmaamay inuu isagu markii hore uu taladdan soo jeediyey, aadna uu u soo dhaweeyey markii ay Xukuumaddii hore qaadatay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here