Raysalwasaare Ingiriis Ah Oo Cabbay Biyaha Samsamka Iyo Ereyadii Uu Ka Yidhi

28
3413

Makah (Geeska)- Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska Boris Johnson ayaa shaaca ka qaaday in raysalwasaarihii hore ee boqortooyada Ingiriiska Winston Churchill uu cabbay biyaha Samsamka, xilli uu booqasho ku yimi dalka Sucuudiga oo uu waxa xaajood kula lahaa boqorkii xilligaas ee Sucuudiga boqor Cabdalcasiis Aala Sacuud, sannadkii 1945 kii.

Wasiir Johnson oo ah cilmibaadhe ku xeeldheer taariikhda raysalwasaarihii Ingiriiska ee sannadihii u dhexeeyey 1940 kii illaa 1945 kii iyo 1951 kii illaa 1955 kii, ayaa maqaal uu ku qoray majaladda TIMES eek a soo baxa dalka Ingiriiska waxa uu ku sheegay in Raysalwasaare Winston Churchill markii uu cabbay biyahaa samsamka uu yidhi, “Waa biyihii ugu macaanaa ee aan cabbo noloshayda intii aan jiray”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here