‘Cudurka Casriga’ Ee Malaayiinta Qof Haya: Shaqo Haynta, Shaqo La’aanta Iyo Madaxnimada Oo Ka Mid Ah Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaalo

Published on Aug 31 2018 // Googooska Geeska

Washington (Geeska) – Adduunyada waxaa ka jira cudurro aad u tiro badan oo welibta si joogto ah u sii kordhaya, cudurradaas oo u qaybsama kuwo jidhka iyo xubnaha toos ugu dhaca iyo cudurro nafsadda qofka iyo maskaxdiisa abbaara ayaa siyaabo kala duwan dhibaato ugu haya dhaqaalaha dunida, hab nololeedka bulshooyinka iyo xitaa farxaddii iyo horumarka qofka. Cudurradaas waxaa ka mid ah, mid loo bixiyey, ‘Cudurka casriga’ oo ay qabaan boqollaal malyuun oo qof oo dunida dacalladeeda ku nooli. Cudurkan oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo  ‘Depression’ waa qofka oo dareema niyadxumaan, qalbijab iyo farxad la’aan aad u badan. Waa xaalad ay culimada caafimaadka maskaxdu ku tilmaamaan xaalad dhimir oo qofka ku keenta murugo iyo in uu si aad ah u niyadjabo. Waxa uu dareemaa sida ruux dembi galay, liidasho uu bulshada ka hooseeyo iyo in aanu ku habboonayn ama u qalmin kaalinta uu bulshada kaga jiro.

Niyadxumada (Depression) waxa uu maanta hayaa dad aanay tiradoodu ka yarayn 300 oo milyan oo adduunka daafihiisa ku nool, waxa aanu leeyahay noocyo kala duwan. Dhibaatada ugu weyn ee haysata dadka cudurkan qabaa waa in aanay helin fursad lagu dabiibo, sababta oo ah qofka oo ka khajila in uu cid u sheego xaaladdiisa, ama u arka in uu ku ceeboobayo iyo dadka oo aan badanka cudurkan calaamadihiisa aqoonin si ay u gartaan in uu hayo, ama aan cudur u aqoonsanayn.

Dumarka iyo cudurka casriga

Cudurkani dadka oo dhan waxaa uu ku dhacaa, laakiin tirokoobyadu waxa ay muujinayaan in uu si gaar ah ugu badan yahay dumarka. Gaar ahaan dumarka dunida saddexaad. sababtuna ay tahay dumarka qoysaska ah oo ay aalaaba culays ku hayso xaaladda ay ku jiraan ee aanay dhaqaale ahaan u madaxbannaanayn ama culayska shaqada guriga iyo ubadka oo iyada si gaar ah u fuula.

Shaqada iyo cudurka casriga

Shaqo la’aanta iyo qofka oo wax uu ku mashquula waayaa waa culays nafsadeed oo aanu u adkaysan karin, waxa aanay sababtaa cudurka casriga. Laakiin waxaa dhacda in shaqada laftigeeduna ay noqoto sabab keenta cudurka (Depression) isku buuqa iyo diiqadda. Daraasado badan oo arrintan lagu sameeyey ayaa muujiyey in noocyada shaqo iyo hadba deegaanka shaqo ee uu qofku ka hawlgalayo iyo sida oo kale deegaanka dhuleed, cimilada, xidhiidhada bulsho iyo aaladda dhaqaale ay yihiin sababta koowaad ee keenta cudurkan, waxaa ka mid ah dadka hubaanti la’aanta ay tahay muddada ay shaqadoodu sii soconayso oo inta badan ku nool xaalad warwar iyo walbahaar ah.

Warfidiyeenka ka hawlgala dhulalka colaadaha iyo xiisaduhu ka jiraan ayaa iyagana aad loogu arkaa xaaladahan nafsadeed. Sababtuna waa aragtiyaha uu goobjoogga u yahay iyo waayo-aragnimada xanuunka badan ee uu ka dhaxlo arrintan, waxaa ka mid ah dadka sida arxan darrada ah loo ciqaabayo, dilalka aan la’la dhuumanayn iwm.

Madaxnimada iyo cudurka casriga ah

Cudurkani cidna ma dhaafo. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dunida ayaa uu qudhooda ku dhacay marar badanna ku dhacaa. Waqtiyada ugu badan ee uu hoggaamiyaha ku dhacaana waa marka uu damacsan yahay in uu qaato go’aamo beddelaya dhabbihii taariikhdu ku socotay. Madaxda uu ku dhacay waxaa ka mid ahaa Winston Charles, raysalwasaarihii Ingiriiska u horseeday guushii dagaalkii labaad ee adduunka. Xilligii uu ka shaqaynayey go’aamadii iyo qorsheyaashii guushaas horseedday, waxaa ku dhacay khalkhal dhinaca maskaxda ah oo noloshiisa intii ugu badnaydba aan ka tegin. Aqoonyahanka iyo culimadii ugu magaca weynayd cilmiga ayaa qudhooda aad loogu arkay cudurkan.

Dawada ugu habboon

Caadi ahaan daweynta cudurkani waxa ay u badantahay dabiib nafsadeed, sida in qofka loo sameeyo niyad-dhis iyo dhiirrigelin iyo in uu qofku wax ka beddelo habdhaqankiisa iyo guud ahaanba hab nololeedkiisa, laakiin waxaa iyaguna jira dawooyin qofka ka caawiya in uu dhaqso uga soo kabto xaaladdan.

Waxaa jira daraasado badan oo ay ka soo baxeen noocyo dawo oo cudurkan lagula tacaali karo, waxa aana aad loogu rajo badan yaahy in dhowaan ay suurtageli doonto in dawooyinka cudurkan lagu helo qiime aad u jaban.

Dhibaatada ‘Depression’ kuma koobna qofka ama qofafka balse waxa uu marmarka qaarkood ku dhacaa bulshooyin isu dhan.

Dalalka Aljeeriya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa iyaguna daraasadan kaddib bilaabay barnaamijyo dadweyne iyo ololeyaal kor loogu qaadayo farxadda bulshada.

 ‘Cudurka Casriga’ Ee Malaayiinta Qof Haya:

Shaqo Haynta, Shaqo La’aanta Iyo Madaxnimada

Oo Ka Mid Ah Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaalo

4 Comments

  1. After examining my own stats, I realized that page
    views are proportional to the main in the article.

    Basically, just one problem to unravel is a good topic. Making
    eye contact is a necessity for any of them. http://action-studio.com.ua/?option=com_k2&view=itemlist&task=user&id=1896145

  2. live22 apk says:

    Also, sugar-free dessert instead of a dentist for cosmetic
    procedures, you should definitely check the DMD’s accreditations.

    There are 5 strengths every good leader possesses. Yes, you to be able to feature your visual occupation. https://win88.today/live22/

  3. May have all of the roads closed and well unaware attempt the begin at.
    Learn why men get switched off by these topics in a way that you exactly what to
    avoid talking on the subject off. http://www.eastbaysanitary.com/__media__/js/netsoltrademark.php?d=Win88.today%2Fdownload-ace333-ios-android%2F&p=

  4. May have all of the roads closed and well unaware attempt the begin at.
    Learn why men get switched off by these topics in a way that you exactly what to avoid talking on the subject off. http://www.eastbaysanitary.com/__media__/js/netsoltrademark.php?d=Win88.today%2Fdownload-ace333-ios-android%2F&p=

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!