Raysalwasaaraha Itoobiya Oo Masuuliyiinta Dawladiisa Ka Mamnuucay Inay Baabuurta Qaaliga Ah Ee V8 Ku Dhex Wataan Gudaha Magaalooyinka Dalkaas

0
22486

Hargeysa(Geeska)-Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, ayaa soo saaray amar cusub oo ah inaanay madaxda dawladda Itoobiya baabuurta raaxada ee qaaliga ah ee V8 iyo Prado 4 ku dhex wadan Karin magaalooyinka dalkaas.

Idaacadda FANA ee Itoobiya, ayaa shalay baahisay in dawladda federaalka Itoobiya ay toddobadka dambe si rasmi ah u hirgelinayso amarkan. Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda maaliyadda iyo iskaashiga dhaqaalaha Itoobiya Haji Ibsa, ayaa warbaahintan dawladda u sheegay in go’aankani hirgeli doono toddobaadka dambe.

Amarkan cusub ayaa wasiirada, wasiirul dawlayaasha, afhayeenada baarlamaanka, guddoomiyayhaasha iyo ku-xigeenada maxkamadaha sare ee Itoobiya, guddiyada iyo ku xigeenadooda wuxuu ka mamnuucayaa inay baabuurta V8 (8-cylinder) iyo Prado 4 cylinder ay ku dhex wataan magaalooyinka, waxaanay madaxda Itoobiya baabuurtan raaxada ee qaaliga ah u isticmaali doonaan oo keliya safarada ka baxsan magaalooyinka.

Masuulkani wuxuu sheegay in taas bedelkeed ay madaxda dawladda Itoobiya magaalooyinka gudahooda isticmaali doonaan baabuur iyagoo furfuran dibadda laga keeno oo lagu rakibo gudaha Itoobiya gudaha dalka Itoobiya oo ah nooca DFM-S50, “Baabuur ah nooca DFM-S50 ee dalka gudihiisa lagu rakibo ayaa loo diyaarinayaa iyaga iyo masuuliyiinta sare ee kale ee xukuumadda, si ay ugu isticmaalaan magaalooyinka.” Ayuu yidhi masuulkani.

Talaabadan ayay dawladda Itoobiya u qaaday si u yarayso kharashka shidaal ee baabuurtan qaaliga ah ku baxda, iyadoo ay dalkaas ka jirto macaluul ba’ani.

Talaabadan ayaa sida ay warbaahintani sheegtay waxa si weyn u soo dhaweeyay shacabka Itoobiya oo arkaaya lacagtooda oo ku baxda shidaal ku baxa baabuurtan oo ay madaxda dawladu u isticmaalaan.

Dalalka Afrika ee ay ka go’antahay inay gaadhaan horumar ayaa waxa ay madaxda dawladda ka mamnuucaan inay ku takri-falaan hantida umada waxaana dalalka Afrika qaarkood laga mamnuucay inay wasiiradu isticmaalaan baabuurta qaaliga ah oo uu guud ahaan qaaradda dhaqaale badani kaga baxo.

Somaliland oo ay jaar yihiin dalka Itoobiya ee go’aankan madaxdiisa dul dhigay, ayaa waxa ay inta badan masuuliyiinta dawladu isticmaalaan baabuurta loo yaqaano V8, iyadoo ay Somaliland tahay dal aan la aqoonsanayn oo aan lahayna dhaqaale adag.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here