Waalidku Waa In Uu La Sheekaysto Ubadka Afbaradka Ah Si Uu Ilmuhu U Xoojiyo Ku Hadalkiisa Afka Hooyo

87
5600

Hargeysa (Geeska) – Cilmibaadhis cusub ayaa caddaysay muhiimadda ay leedahay in waalidiintu ay u sheekeeyaan ubadkoodu inta ay aad u da’yar yihiin. Natiijada cilmibaadhistan oo uu faafiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheetay in dhallaanka sida joogtada ah ula macaamilay dadka qaangaadhka ah, ay kobocdo maskaxdooda qaybta qaabilsan afku. Sida oo kale in ilmaha da’daas loogu sheekeeyaa, waxa ay caawisaa in ilmuhu uu barto xirfadaha afka.

Cilmibaadhistan cusub ayaa iftiimisay muhiimadda ay leedahay in waalidku uu waqti la qaato ubadkiisa, oo weliba uu u sheekeeyo, iskana ilaaliyo in uu daawashada talefishanka iyo isticmaalka taleefanka gacanta iyo qalabka la mid ah ku mashquulo. Qaabka ugu fiican ee ay khubaradu ku taliyeen in ilmaha loogu sheekeeyaana waa in ereyo gaagaaban lagu yidhaahdo, isagana fursad loo siiyo in uu wax uun yidhaahdo xitaa haddii aanu hadalka si fiican u garanayn. Waayo waxa ay ka caawinaysaa in uu ku dhiirrado in uu hadlo oo uu mustaqbalka si kalsooni leh qofka ugu jawaabi karo.

Waxa ay daraasaddu ku talisay in ilmuhu waqtiga uu hadal baradka yahay waqti fiican loo siiyo in lala sheekeysto, si looga hortago in ilmaha oo aan si fiican afkiisa u barani uu waqtiga iskuulka gaadho. Dr. Rachel Romeo oo ka tirsan Maxadka Tiknoolajiyadda ee Massachusetts ee dalka Maraykanka ayaa mar ay ka hadashay faa’iidoyinka ay la sheekaysiga waalidka ee dhallaanku leedahay waxa ay caddaysay in waalidka oo u sheekeeya ubadkoodu ay xoojiso koritaanka fiican ee maskaxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here