Caadooyinka Carabta Iyo Waxa Ay Ka Tidhaahdo Sababta Xasharaadka Qaar Guryaha Ugu Bataan: Qorratadu Balanbaalista Iyo Qudhaanjada

Published on Sep 17 2017 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- In xasharaad iyo xayawaannada yaryar qaarkood guryaha ku dhashaan waa arrin dadka sas ku abuurta, sawir aan fiicnaynna ka bixisa nadaafadda iyo fayodhowrka guryaha. Sidaa awgeed in xasharaadkan la’ la dagaalamaa waxa ay dadka ku qaadataa hawl badan iyo dadaal joogto ah oo kharash ku lammaan yahay. Si kastaba ha ahaato ee marka dhaqannada dib loogu noqdo waxaa jira caadooyinka qaar isku xidha sababta noocyo xasharaadka ka mid ahi guryaha ugu bataan iyo arrin kale oo qarsoon, shar iyo khayr mid ay tahayba.

Qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah xayawaannada iyo xasharaadka guryaha ku nool iyo waxa ay caadada carbeed ee hore ka aaminsan tahay:

Qorrato: Dhaqankii hore ee carabta oo illaa haddana sii jiraa waxa uu aaminsan yahay in guriga oo qorratadu ku badato ay macnaheedu tahay in qoyska guriga leh cay iyo habaar iyo nacdalid joogto ahi kaga timaaddo cid kale oo weliba qoyska hoose ka mid ah. Markaa in qorrato la arkaa waxa ay markaba qoyska ku abuuraysaa in ay ka fikiraan ciddan habaarta ama hadal-haynta aan fiicnayn mar kasta ku haysa.

Qudhaanjada waaweyn (Macaan jecesha): Caadada carbeed ayaa ay in qudhaanjadaha oo guriga ku badata macnaheedu yahay in gurigaas uu ku jiro ama lagu qariyey sixir ama in cid xaasidnimo badan u qabta guriga iyo dadkiisu ay jirto. Waxa ay Carabtu aaminsan tahay in sababta qudhaanjada ka soo saartay godadkeedii dhulka hoostiisu ay tahay baxsi ay ka soo firdhanayso tamartan qarsoon ee sixirka iyo xaasidnimada oo xanuun iyo kulayl ay ku haysaa dibadda u soo saaray.

Baranbaro: Hinaase iyo makhruuqnimo dadka guriga deggen ka dhex jirta ayaa ay calaamad u tahay, ama ugu yaraan in hal qof oo guriga ku nooli uu indho ka xun iyo makhruuqnimo ku eegayo qoyska intiisa kale, kana hinaasan yahay badhaadhe ama wanaag ay haystaan.

Kaneeco: Waxa ay ku badataa guryaha ay dadka deggeni kibirka badan yihiin. Waa dad noloshooda iyo hayntooda aad ugu qanacsan ama muuqooda iyo aqoontooda la dhacsan oo u haysta in ay ka sarreeyaan dadka kale.

Caarada: Caarada oo guriga ku badato waxa ay carabtu u taqaannay calaamad muujinaysa in kashnad iyo lacag badan uu si qarsoodi ah u qarsanayo mid ka mid ah qoysku, waa calaamad muujinaysa in xubnaha qoysku kala qarsadaan dakhliga runta ah ee ay haystaan, ama in midkood inta kale ka qarsanayo.

Waxa kale oo ay calaamad u noqon kartaa in guriga ay ka jirto amar ku taaglayn lammaanaha guriga leh midkood kan kale ku amar ku taagleeyo, si gaar ahna in gabadhu ay tahay ta ku amar ku taaglaysa ee iyadu xoog ku hoggaamisa saygeeda.

Duqsiga: Duqsigu waxa uu ku bataa guryaha ay dadka deggeni yihiin kuwo aan ka raalli ahayn ama ku qanacsanayn noloshooda, mar kastana walbahaarka iyo caloolyowga badan qaba.

Balanbaalis: Balanbaalistu waa calaamad muujinaysa in guriga ay farxad iyo raynrayn badani ka jirtoa ma u soo socoto, waa calaamad war fiican oo gurigaa lagu hayo ama bishaaro ku soo fool leh.

Qudhaanjo yaryar: Waxa ay ku badataa guryaha faqrigu ku badan yahay, ama hayntoodu aadka u yar tahay. Waxa ay ku andacoodaan in qudhaanjadu astaan u tahay hayn yaraan, gabaabsi iyo in adduunyadu dhif ku tahay qoyska.

Haddiiba ay dhacdo in qudhaanjada lagu arko guri aanu faqri ka jirin, markaas waa calaamad muujinaysa in qoysku guriga ka guurayo oo guri kale u guurayo, isla magaalada ama magaalo iyo dal kale.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!