Da’da 18 Illaa 25 Iyo 60 Jir Inta Ka weyn Ayaa Ugu Farxadda Badan Cimriga Bani’aadamka

0
1036

Sidney (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Ustareeliya ayaa lagu ogaaday in dhalinyarada da’doodu 18 illaa 25 u dhexeyso iyo dadka waayeelka ah ee 60 jirka dhaafay ay yihiin kuwa ugu farxadda badan. Warbixin uu Geeska Afrika turjumay ayaa wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxaa waxa uu ku sheegay in da’da u dhexeysa 18 jirka illaa 25 jirka ay halka ugu sarraysa farxadda aadamuhu gaadho, laakiin marka uu qofku 25 dhaafo ay farxaddiisu gebi ahaanba burburto, duruufo iyo masuuliyado badan oo ku soo faruurmaya nolosha qofka da’dan dhaafa awgeed. Nasiibwanaag waxa ay farxaddaasi dib qofka ugu soo noqotaa marka uu gaadho 60 jir iyo ka weyn oo ah da’da uu qofku hawlgab ka noqdo shaqada, isla markaana ay ka dhammaato hawlaha korinta iyo dabbarista nolosha qoyska iyo ubadku.

Dr. Delky Hutchinson oo ah cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda Deakin University ee dalka Ustareeliya ayaa sheegay in ay jiraan saddex shay oo ay lagama maarmaan tahay in uu helo ruuxa doonaya in uu badqab nafsiya helo, wawxa aanay kala yihiin in uu dakhligiisa meel ku hubiyo, in uu xidhiidh jacayl oo xoog badan leeyahay iyo in nafsaddiisu dareemayso in uu jiro macne iyo sabab xoog badan oo nolosha sii socoshadeedu leedahay. Isaga oo intaas ku sii daray in cilmibaadhistani ay daahfurtay in dadka ku niyadsan in mustaqbalka dhaqaale iyo nololeed ee naftooda iyo ubadkooduba uu hubaal yahay, in ay ku nool yihiin nolol ka farxad badan qayrkooda mustaqbalka cabsidu ka haysa.