Ninka Adduunyada Ugu Adkaysiga Badan Micida Shinnada

0
1011

Otawa (Geeska)- Nin u dhashay dalka Kanada ayaa loo aqoonsaday ninka dunida oo dhan ugu adkaysiga badan qaniinyada shinnida, kadib markii uu u adkaystay micida shinni gadoodsan oo madaxiisa iyo jidhkiisa qaybta sare oo dhan dabooshay. Khawaan Karloos Noqows oo ah beeraley duleedka magaalada Ontaariya ee dalka Kanada ku dhaqda shinnida ayaa shinnidan ku degtay micideeda u adkaysanayey waqti hal saac ka badan. War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in Khawaan uu ka adkaysi batay nin sidiisan oo kale qaniinyada shinnida muddo 8 daqiiqo ah oo keliya u adkaystay shannadkii hore, kaas oo xilligaas loo aqoonsaday in uu yahay ninka ugu adkaysi badan qaniinyada shinnida.

Fiidyow ay shabakadda Al-Carabiya faafisay laga arkayey muuqaalka Khawaan oo wejigiisa oo dhan shinnidu dabooshay, haddana si dulqaad iyo xasilooni badani ka muuqato isaga fadhiya taas oo sababtay in uu ku guulaysto aqoonsiga caalamiga ah oo khamiistii 31kii Ogos lagu daray diiwaanka layaabka adduunka ee afka qalaad lagu yidhaahdo Guinness World Records.