Duruusta FBI: Farsamooyinka Ugu Habboon Ee Aad Qofka Kale Ku Ogolaysiin Karto Waxa Aad Adigu Rabto

0
646

Picture2Hannaanka ugu fiican ee kooxaha la xaajooda afduubayaashu ay ku beddelaan maskaxda qofka kale (Q:3aad)

Hargeysa (Geeska)- Su’aalaha dabada furani, waxa ay noqon karaan sida, “Ii sheeg sida ay wax u dhaceen? Su’aalaha noocani waxa ay u dhowdahay in ay kugu hoggaamiyaan war fara badan oo aanu marka hore qofku kuu sheegin. Su’aalaha ay qaladka tahay in xaaladdan oo kale qofka la weydiiyaa waa kuwo u baahan jawaabah, HAA ama MAYA oo keliya ah. sida, “Qori miyaad haysataa? Waa noocee?  Iwm. Sidoo kale waxaa muhiim ah in uu qofku iska jiro su’aalaha qofka uu la xaajoonaya dareensiin kara in aan shakhsiyaddiisa muhiimad weyn loo haynin, waa sida kuwa aynu kor ku sheegnay oo markaba qofka dareensiinaya in aad muhiimadda siinayso qoriga, halkii ay ahayd in aad isaga siiso. Isla markaana shaki badan uu ka qaadayo waxa aad dhab ahaan damacsan tahay.

2. Hakinta hadalka: Waxaa jira hal-ku-dheg ay isla yaqaannaan dadka xirfadda sare u leh wada xaajoodada adag, kaas oo macnihiisu yahay in hadalka oo aad yara hakisaa ay tahay hannaan aad si dadban ugu kasban karto qofka aad la xaajoonayso. Sida caadiga ah qofkan dembiilaha ah ama qaladka ku jira ee aad la xaajoonaysaa bilowgaba hadal ayaa uu kugu qarqinayaa, adigu aamus si uu u ciil baxo waxa ku jira oo dhanna uu dibadda ugu soo saaro.

Gary Noesner oo ah khabiir ka tirsanaan jiray waaxda la xaajoodka af-duubayaasha ee FBI ayaa buug uu arrintan ka qoray ku sheegaya in qofka af-duubaha ahi si kasta oo uu u hadlo ay aakhirkia sida qof kasta oo kale oo bani’aadam ahiba yahay, ay ku adkaan doonto in uu sii wado dood iyo muran dhinaciisa oo keliya ka socdo, taasina ay kallifi doonto in uu adigana ku siiyo waqti aad hadasho oo sidaadii oo kale uu ku dhegeysto. Sidaa awgeed waqtiga ku habboon oo ay aamusaan, ayaa dadka wada xaajoodka ku xeeldheer u fududaysa in wada xaajoodku hore u sii socdo.

3. Ka guris: Ku dhiirri geli in uu hadalka sii wado, adiga oo isticmaalaya ereyo muujinaya in aad aad ula socoto hadalkiisa, isla markaana u fahmayso sida uu niyadda ku hayo in aad u fahamto.

4. Jiibin: Arrinta kale ee qofka u muujin karta in aad hadalka si fiican uga gurayso, isla markaana markiisa ku qasbi doonta in uu sidaada oo kale yeelaa waa in aad ka daba jiibiso ereyada uu leeyahay qaarkood. In hadallada uu leeyahay ereyada ugu dambeeya oo mid iyo laba ah aad ka daba tidhaahdo. Tusaale ahaan marka uu hadalkiisa ku soo xidho waa aay fududayd, in aad ka daba tidhaahdo. –Haa, waa ay fududay. Haddii uu ku yidhaahdo, “Hab-dhaqankii la igula macaamilay iyo riix-riixistii ayaa xanuun iyo daal igu keenay” waxa aad odhanaysaa, “Aax, waan dareemi karaa dhibta ay riix-riixistaasi leedahay” iwm. La soco qaybta u dambaysa ee hannaanka dhegeysiga qofka aad doonayso in aad qanciso…