Hal-Ku-Dhegyo Bulshooyin Kala Dhaqanno Ahi Ay Dumarka Ka Yidhaahdeen (Qaybta: 3aad)

0
692

– Gabadhu waxa ay wareerisaa keliya ninka isku hawla in uu fahmo.

– Wasladda u dambaysa ee Ninka dhimataa waa Qalbiga, gabadhana waxaa ugu dambe dhinta Carrabka.

– Qalbiga gabadhu waa shayga ugu fudud ee la jabin karo.

– Caqliga gabadhu waa quruxdeeda, Quruxda ninkuna waa caqligiisa.

– Gabadhu si kasta oo ay u fududahay /Waalantahay, haddana waa ay hogaamin kartaa uun nin kasta oo garaad badan. Laakiin gabadha khatarta ugu weyn ee soo waajahdaa waa marka ay doonto in ay hoggaamiso nin doqon ah.

– Haddii ay gabadhu ku tidhaahdo jawaabtayda kama dambaysta ahi waa taas.. Ogow in aanay kama dambays ahayn.

– Gabadha aad guursanaysaa waa saddex midkood uun: Gabadh ku jecel oo jacaylkaas kuu guursanaysa, gabadh jecel in ay ku guursato oo keliya iyo gabadh inta ay ku guursato, kadibna isku deyi doonta in ay ku jeclaato.

– Gabadhu in ay samirto ayaa xanuun kasta kaga daran.

– Haddii ay murmaan gabadh iyo nin waa lagama maarmaan in ay iyadu guulaysato, waxase yaab leh, in ay doonayso in guusheedaas uu ninkaas ay ka adkaatay ku farxo.

– Haddii ereyga Dumar / Gabadh laga masixi lahaa qaamuuska afka lagu hadlo, kuma uu hadheen hadal kale oo macno lihi.

– Ninka xooga badani waa ka awooda in isaga oo aan amar iyo qallafsanaan isticmaalin in uu taladiisa iyo maamulkiisa hoos keeno gabadha.