4 Jeer Oo La Isku Dayey In Qabriga Nebiga (SCW) La Soo Faqo Iyo Sida Mucjisada Ah Ee Alle U Badbaadiyey (10)

0
834

Picture6Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii 10aad uguna dambeeyey taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika uu akhristayaashiisa kula wadaagayo qisas ka waramaya marar la isku dayey in qabriga Nebiga la soo faqo balse siyaabo aynu mucjiso ku sheegi karno ay u baaqatay:

Kooxdan Kiristaanka ahayd markii ay cududdoodii hubsadeen waxa ay isku qanciyeen in haatan aanay gobolka ka jirin awood ciidan oo ka hor iman kartaa, sidaa awgeed ay fulin karaan hawlgal kasta oo kale oo ay doonaan. Waxa ay is tuseen in ay ku duulaan magaalada Barakaysan ee Maddiinah, kadibna inta ay soo faqaan qabrigii Nebiga (SCW) ay la soo baxaan maydkiisa. Kooxdan qorshaheedu waxa uu ahaa in ay maydka nebiga dib ugu aasaan meel ka mid ah dhulka Kiristaanka ee gobolka Shaam, gaar ahaan deegaannada ay ku xoog badan yihiin, kadibna qabrigiisa inta ay dhisaan ay ka raadiyaan ganacsi oo dadka muslimiinta ah ee doonaya in ay siyaartaa Qabriga Nebiga (SCW) iyo xataa kuwa aan muslimka ahayn ee dalxiisayaasha ah ay ka qaadaan lacag ay qabriga ku soo daawadaan.

Waxa ay ahaayeen nin awooddooda ku kalsoon oo aan cidna waxba iskaga tirinayn, waxaana garab siinayey kuwo iyagu Carab muslima ahaan jiray laakiin diinta dib uga noqday. Waxa ay bilaabeen in ay faafiyaan damacooda ah in ay weeraraan qabriga Nebiga (SCW) si ay dadka muslimka ah ee markaa ka agdhowaa oo aan awood badan lahayni u niyad jabaan ayaa ay warkii meel kasta ka rideen, laakiin Iimaanka ka maqan awgeed waxaa seegtay in ay fahmaan in Qabrigani uu leeyahay xasaanad Rabbaani ah oo Alle (Subxaanahu) ku dhowrayo, waxa aanay dib u arkhiyin taariikhda iyo sida mucjisada ah ee Qabrigani hortoodba gacmaha aan daahirka ahayn uga badbaadiyey. Warkii markii uu aad u faafay waxaa markiiba la gaadhsiiyey halyeygii weynaa ee Muslimiinta, hoggaamiyihii caanka ahaa Salaaxu-ddiin Al-Ayuubi oo xilligaas ku sugnaa Masar, laakiin markii dambe dowladdiisu ay aad u ballaadhatay kana talisay dhul ku siman dalalka Ciraaq, Suuriya, Masar, Yemen, qaybo ka mid ah woqooyiga Afrika iyo dhulka Xijaaz ee ay ka mid yihiin magaalooyinka barakaysan ee Makah iyo Maddiina. Saaluxuddiin Al-Ayuubi oo isir ahaan ka soo jeeday Kurdiyiinta Ciraaq waxa uu markiiba abaabulay ciidan aad u xooggan oo ka hortaga nimankaa awoodda is biday ee qabriga nebiga weerarka la beegsanayey. Waxa aanu ciidankaas madax uga dhigay hoggaamiye geesinimo caan ku ahaa oo la odhan jiray A-Xaajib, balse caan ku ahaa Lu’Lu oo isagu dhalasho ahaan ka soo jeeday Roomaaniyiinta ay ka soo jeedeen isla kooxdan Kiristaanka ah ee soo weerarayey qabriga dahiran ee Nebi Muxammed (SCW). Budhcaddii is bahaysatay kama ay warqabin in jawaab culusi uga soo socoto Salaaxu-ddiin waxa aanay ciidamadoodii u soo dhaqaajiyeen dhinaca Madiinah si ay u fuliyaan qorshahoodaas.

Ciidamadii uu Salaaxu-ddiin soo dirary waxa ay kooxdii weerarka ku ahayd qabriga Nebiga (SCW) soo gaadheen xilli ay geeddi maalin keliya ah u jireen Maddiinah, waxa aanay huwiyeen dagaal aad u qadhaadh oo aanay iska filayn. Ciidankii Muslimka ahaa waxa ay nimankii Roomaaniyiinta iyo Carabta riddooday ee is bahaystay ahaa ka dhigeen wax ay dileen iyo in ay maxaabiis dagaal ahaan u qaateen. Waana maxaabiistaas oo inta awr la soo saaray dib loo jeediyey kuwa uu bilowgii qisadan inoo sheegayey dhul-mareenka Ibn Jubayr Abu Al-Xusayn Muxammed. Sidaas ayaanu Alle mar kale ku badbaadiyey qabriga Nebigiisii Muxammed (SCW) ee ugu dambeeyey Ergada iyo Nebiyada uu Alle u soo diro addoomaha. Dhammaad.