Dowladnimo Maqluub Ah: Jamaal Madar, London, UK  

0
857

Picture1Markaad aad ugu fiirsato ee aad si fiican ugu kuur gasho siday masuuliyiinteenu u dhaqmaan waxaad arkaysaa in aynaan weli fahmin dowladnimadu waxay tahay. Faham la’aanteena dowladnimo waxa u daliil ah saddexda laamood ee ah saddexda dhardhaar ee dowladdnimadu ku fadhido oo illaa immika si maqluub ah u shaqeeya. Saddexdaa laamood ee dowladnimadu ku taagntahay waxay kala yihiin laanta sharci dejinta, laanta fulinta iyo laanta garsoorka oo intuba maqluub u shaqeeya, caddeyntoodana aynu hoos ku soo bandhigi doono:

Laanta Sharci Dejinta

Sida lagaga dhaqmo waddan kasta oo nidaamka dimuqraadiga ah ku shaqeeya, xildhibaanada golaha wakiilada ee Somaliland waxa si toos ah u soo doorta shacabka waxayna ugu jiraan baarlamanka si ay wakiil uga noqdaan danaha dadka soo doortay isla mar ahaantaana wixii walaac ah ee dadka soo doortay ay hadba qabaan inay si toos ah su’aalo uga weydiiyaan wasiirada xukuumadda.

Xildhibaanka wanaagsan sidiisaba waqtigiisu wuxuu caadiyan u qaybsan yahay mar uu baarlamanka ka shaqanayo [sida samaynta,wax-ka-beddelka iyo ansixita xeerarka iwm], marka labaadna, oo ah ta ugu muhiimsan, waa inuu booqdaa oo ka hawl galaa deegaankii laga soo doortay [isagoo hadba urusanaya xogo la xidhiidha baahida iyo walaaca ay hadba qabaan dadkii soo doortay si uu markaa dowladda u gaadhsiiyo] marka saaddexaadna waa inuu u shaqaynayaa xisbigii uu ka soo baxay ee dadkiisuna u codeeyeen.

Shaqada xildhibaanadu waxa kale oo ay tahay inay ka qayb galaan xafladaha sida qalin jebinta iskuulada, jaamacadaha, dabaaldegyada iwm si ay ula kulmaan qaybaha kala duwan ee bulshada si markaas ay taasi ugu suura geliso inay hadba ogaadaan arrimaha daruuriga ah ee loo baahan yahay in xildhibaanadu wax ka ogaadaan.

Laanta Fulinta

Marka guud ahaan laga hadlayo laanta fulinta, wasiir kastaa masuuliyad mucayin ah oo qeexan ayuu leeyahay inkastoo innaga wasiiradeena iyo agaasimayaasha qaarkood oo aan shaqo isku lahayn ay hawsha iskuba qabsadaan. Hawsha aasaasiga ah ee wasiirku waxa weeye inuu fuliyo siyaasadda iyo barnaamijyada dowladda. Wasiirku waa shakhsi qaran oo wuxuu dhex u yahay shacabka oo dhan ee cid gaar ah wasiir uma aha.

Laanta Garsoorka

Shaqada ugu weyn ee laanta garsoorku waxa weeye inay hubiso in dhammaan xeerarka la ansixinayo ay yihiin qaar waafaqsan dastuurka waddanka u yaal oo aanay sinaba uga hor imanayn. Laanta garsoorka waa barta lagu xalliyo khilaafaadka soo kala dhex gala askhaasta ama hay’adhaha dowladda iwm ee si caddaaladi ku jirto loogu kala gar sooro. Marka si kale loo dhigo, waa goobta caddalaad loo doonto si ay dadku si nabad ah ugu kala baxaan oo aan gacanta la isula tegin.

Gunaanad

Haddaba marka ay hawlaha saddexda laamood ee dowladdu ku taagantahay ay sidaa cad u kala qeexan yihiin waxa jirta in Somaliland ay sida maqluubka ah uga shaqeeyaan.

 

Xildhibaanada Somaliland oo badankooda laga soo kala doorto gobolada waddanka oo dhan ayaa waxaynu wada ognahay in kuwa qaarkood aanay weligood dib u eegin deegaankii laga soo doortay iyo dadkii soo doortay amaba mar ama laba jeer oo qudha ay dib ugu laabteen. Hawshoodii ugu muhiimsanayd ee ahayd inay wakiil ka yihiin shacabkii soo doortay oo ay kulano ku qabtaan deegaanadii dadkii soo doortay oo ay dhageystaan cabashooyinkooda iyada xisaabta ugama jirto.

 

Marmarka qaarkood waxa dhici karta in dadka qaar ka cawdaan barnaamij ama siyaasad ay dowladdu wadato oo saamayn ku leh oo markaa ay ka soo horjeestaan. Waxay u badantahay in qofka ugu horreeya ee ka soo horjeestaa dadkaas inuu noqdo xildhibaankii ay iyagu soo doorteen oo uu barnaamijkii ama siyaasaddii ay xukuumaddii wadatay af iyo addinba taageero isla garab taago dowladda kaasoo lid ku ah danaha dadkii soo doortay.

Waxa weliba laga yaabaa inuu xildhibaankaasi laba ama saddex xisbi u kala tallaabo isagoo aan la tashan dadkii soo doortay oo laga yaabo inay weli ku hadheen xisbigii marka horeba ay taageerayeen. Xusuuso, xildhibaanadii laga soo doortay xisbiga UCID oo 21 xubnood ka koobnaa ayaa mar qudha 17 ka mid ahi ku biireen WADANI. Xisbigii UCID waxa ku hadhay 1 xildhiban.

Waxa weliba laga yaabaa in xildhibaankaasi xisbiga cusub ee uu sheeganayo inuu ka mid yahay inuu ka soo horjeesto siyaasad ahaan oo uu taageero barnaamijyada iyo siyaasadda xisbi kale oo aanu shaqo ku lahayn. Tusaale ahaan, labada xisbi ee UCID iyo WADDANI waxay hadda ka hor ka soo hor jeesteen cashuur kordhintii la xidhiidhay horumarinta waddooyinka. Dhammaan xildhibaanadii labadaba xisbi mucaaradba ka soo jeeday waxay u codeeyeen xisbul-xaakimka.

Isku soo xoori, waxaad halkaa ka arkaysaa inay xildhibaanadeenu si maqluub ah  u shaqaynayaan.

 Sidoo kale,  (Eeg Bogga 4aad)laanta fulinta ama golaha wasiirada ee Somaliland wuxuu u shaqeeyaa si maqluub ah. Wasiirka, shacabku ma soo doortaan ee waxa suuqa ka soo xusha madaxweynaha, madaxweynaha ayaana awood u leh inuu eryo ama daayo.

Wasiirku cod shacab kuma fadhiyo kursigiisa ee xildhibaanada ayaa cod ku fadhiya kuraastooda oo markay doonaan u yeedhi kara wasiirka oo su’aalo ka weydiin kara shaqadiisa iyo hadba arrimaha markaas taagan balse hab dhaqankeena wasiirku wuxuu isu arkaa  inuu isagu ka sarreeyo xildhibaanada.

Wasiirada Somaliland badankoodu iyagaa la wareegay hawshii xildhibaanada waayo iyagaa mar walba dhex taagan deeganada ay hayb ahaan ka soo jeedaan, halka ay ka ahayd in xildhibaanadu deegaanada iyaga laga soo doortay ay booqdaan. Waxaad mar kasta TV-ga ka arkaysaa wasiiro isku wada hayb ah oo is daba yaacaya oo mar walba dul taagan deeganada ay hayb ahaan ka soo jeedaan, had iyo jeerna mashaariic ka hirgelinaya. Wasiirada Somaliland waxay had iyo jeer la shirayaan beelihii ay ka soo kala jeedeen markaasay cabashooyinkoodii u gudbinayaan dowladda. Marmarka qaarkoodna iyagoo odayaal wada ayey madaxweynaha hor geeyaan.

Wasiirkii qaran wuxuu noqday wasiir qabiil.

Waxaad arkaysaa wasiiro shaqadoodii baylihiyey oo habeen iyo maalinba xafladaha NGO-da ama munaasabadaha qalin jebinta  dhex taagan taas oo ah shaqada xildhibaanada. Waxa kale oo aad arkaysaa wasiir dhex taagan deegaankoodii oo qaybinaya caagado saliid ah, daqiiq iwm oo dadkiisii ugu qudbadaynaya in madaweynaha ama marwada koowaad si gaar ay deegaankooda ugu deeqeen.

Caagadaha saliida ee deeqda ah ee uu qaybinayo waxa dusha kaga sawiran xidigta iyo bisha cas ee calanka Turkiga oo muujinaya inay tahay deeq ka timi Turkiga ama Imaaraddka IWM. Madaxweynaha iyo Marwadana wuu sii galaafanayaa isagoo isleh xoog u ammaan balse waxaanu garanayn inuu dadka ku dirayo oo ka dhigayo in madaxweynaha iyo marwadu ay si gaar ah deegaankiisa ugu door bideen dadyowga kale ee waddanka ku nool.   

Waa doorkii iyo masuuliyadii ay ahayd inuu uu xildhibaanku qabto.

Haddii uu qalaalase ka dhaco deegaan waxa markiiba gurmanaya wasiiro hayb ahaan ka soo jeeda deegaankaas looma dirayo xildhibaanadii shacabku soo doortay ee goobtaas ka soo jeeday.

 

Waxaad halkaa iyana ka cad in golihii wasiiradu uu si maqluub ah u shaqanayo.

Waxa soo hadhay laanta garsoorka. Laanta garsoorku waxay ahayd inay noqoto meel ay caddaaladu ka soo burqato balse waxay isu-beddeshay seylad wax lagu kala iibsado. Haddii shaadhkaaga lagu qabsado ma suurageli karto in adigoo aan laaluush ka bixin in si caddaaladi ku jirto dib laguugu soo celiyo. Waddanku sida uu u dhan yahay waxbaa la isku wada haystaa. Waxa inagaga filan hal ku dhiga ah: Ku qabso ku qadi mayside.

 

Garsoorka Somaliland inuu ku sifoobay caddaalad darro  waxa markhaati ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cali Maxamed Warancade oo laf ahaantiisu sheegay in bahada garsoorka ku shaqayso laaluush iyo wax is-daba marin.

 

Laantii garsoorka ee caddaalada laga filayey waxay sida warshadda oo kale u soo saartaa caddaalad darro qarqisay waddanka oo dhan.

 

Waxa halkaana kaaga cad oo markhaati ma doonto ah in laantii garsoorkii ay iyaduna maqluub u shaqanayso.

Haddaba haddii saddexdii laamood ee dowladnimaduba ku taagnayd ay maqluub u shaqeynayaan sidee baynu uga filaynaa inay wax waliba si toosan oo wanaagsan u shaqeeyaan.

Miyaanu caqliga wanaagsani ku siinayn in marka hore hay’adahaas dastuuriga la toosiyo oo si qoto dheer loo eego siday si toosan ugu shaqeeyaan?

Hay’ado dastuuri oo wada maqluub ku shaqaynayaa horumar waddanka ma gaadhsiin karaan.

Jamal Madar

London, United Kingdom

adammadar@yahoo.com