Cudurrada Ay Dumarku Ragga Kaga Badan Yihin Iyo Sababta Wadne Xanuunka Gabadha Aan Hore Loogu Garan

0
1080

Picture8Hargeysa (Geeska)- Lix xanuun oo ay ka mid yihiin Dhan-jafka iyo lafa-burburka ayaa ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in ay ku dhici og yihiin dumarka marka la barbar dhigo ragga, kagaba dhibaatayn badan yihiin. Arrintan oo ay xeel-dheerayaashu ku macneeyeen kala duwanaanshiyaha abuurka ah ee qaab-dhismeedka jidheed ee ragga iyo dumarka waxa kale oo ka mid ah dhabar xanuunka.

Xeel dheerayaal caafimaad oo arrintan baadhitaan ku sameeyey ayaa sheegay in dhan-jafku  uu dumarka ku badan yahay saddex jeer laab marka la barbar dhigo ragga, taas oo noqonaysa in Afartii ruux ee dhan jaf qaba, saddex ka mid ahi ay dumar yihiin. Cilmi baadhista ay khubaradu arrintan ku sameeyeen wawxa ay tilmaamaysaa in marka la eego tirada guud ee dunida ay dumarka qaba dhan-jafku ka noqonayaa boqolkiiba 18, halka ay raggu ka yihiin boqolkiiba lix keliya. Waxa kale oo ay daraasaddu tilmaamtay in cudurka lafaha burburiya oo afka qalaad lagu yidhaahdo Osteoporosis uu saddexdii dumar ahba mid ku dhaco, sidaa awgeed uu yahay cudurrada inta badan dumarka aad ugu dhaca.

Xanuunka saddexaad ee ay cilmi baadhistani iftiimisay in uu dumarka ku badan yahay ayaa noqday dhabar xanuunka oo ay khubaradu sheegeen in dumarku ay ragga kaga badan yihiin, isla markaana uu ka wax yeellayn og yahay, waxa afar ku ah xaglo xanuunka oo dadka uu ku dhaco saddex meelood laba ay yihiin dumarka. Xanuunka afka qalaad lagu yidhaahdo Multiple Sclerosis oo weerara hab-dhiska neerfayaasha iyo muruqyada ayaa ka mid ah cudurrada sida gaarka ah dumarka ugu badan. Cudurkan oo la sheegay in afartii ruux ee uu ku dhaco saddex ka mid ahi dumar yihiin ayaa lagu yaqaannaa awoodda muruqyada oo uu dilo, isu dheelli tiranka jidhka oo uu lumiyo, aragga oo uu daciifiyo, miyir beel, xummad aad u sarraysa iyo dhaqdhaqaaqa xubnaha oo adkaada.

Dhinaca kalana waxa ay khuabradu sheegeen in kala duwanaanshiyaha jidheed ee abuurka ah ee ragga iyo dumarku uu sidoo kale keeno in xanuun isku mid ah oo labada jinsi ku dhacay uu yeesho calaamado kala duwan, waxa aanay tusaale u soo qaateen wadne xanuunka oo ay khubaradu sheegeen in ragga iyo dumarka uu u qabto siyaabo kala duwan. Dumarka inta badan wadne xanuunku waxa uu ku keenaa dawakhaad iyo dhabar xanuun, sidaa awgeed dhakhaatiirta iyo shaybaadhka waxaa ku adkaata in ay hore u gartaan in xanuunka gabadha hayaa uu yahay wadnaha. Xanuunka oo keliya ma’aha ee sidoo kale waxaa kala duwan daweynta xanuunka ee ragga iyo dumarka, taas oo sababteedu ay tahay kala duwanaanshiyaha dhinaca hormoonnada ee ninka iyo gabadha iyo weliba qaab-dhismeedkooda bayooloji oo meelo aad u badan ku kala duwan.