Zidane Oo Dhigay Rikoodh Cusub Iyo Real Madrid Kaga Horaysa Dhigeeda Kooxda Barcelona

55
4879

 

Zinedine Zidane ayaa awooday inuu mudo dhan laba sano uu ku hogaamiyo Real Madrid inay ka sara marto dhigeeda kooxda Barcelona, wuxuuna xilfaltanka labada kooxdood ee kubada cagta dalka Spain sii xoogan tan iyo markii uu shaqada kooxda reer Catalonia la wareegay ninka ree Spain ee Pep Guardiola.Macalinka reer France ayaa la wareegay shaqada tababarka kooxda Real Madrid bishii January 2016, wuxuuana waqti gaaban ku hogaamiyay Los Blancos inay ka sara marto dhigeeda Barcelona, kadib markii uu u suuragaliyay in Real ay ku guuleysato ilaa iyo 8 koob ee isugu jira kuwa gudaha dalka Spain, Yurub iyo caalamka intaba.Barcelona ayaa mudada uu Zinedine Zidane leylinayo kooxda Real Madrid waxay kusoo guuleysatay 4 koob ee kala ah horyaalka La Liga ee dalka Spain, Copa del Rey iyo sidoo kale Spanish Super Cup.Halka Real Madrid uu hogaaminayo macalinka reer France ee Zinedine Zidane ay u suuragashay inay gacanta ku dhigaan laba koob ee Champions League-ga ee xidhiidh ah, horyaalka La Liga ee dalka Spain, laba jeer ee ah sidoo kale koobka kooxaha aduunka ee Club World Cup ah, UEFA Super Cup oo laba jeer ah iyo Spanish Super Cup oo isna ah hal jeer ah.

Macalinkii hore kooxda Los Blancos Carlo Ancelotti ayaa awooday inuu ku barbareeyo tirada koobabka ay Barcelona ku guuleysatay mudada labada xili ciyaareed uu macalinka ka ahaa, waxayna mudadaas labada kooxood si wada jir ah ugu wada guuleysteen min 4 koob, laakiin Zidane ayaa kusii hogaamiyay Real Madrid ay kaga sara marto dhanka koobabka tan iyo markii uu la wareegay maamulida garoonka Santiago Bernabéu.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here