Mo Faarax Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Shakhsiga Ugu Wanaagsan Ciyaaraha Sannadka 2017-ka

26
4316

Orodyahanka u dhashay Somaliland una orda wadanka Ingiriiska ee Maxamed Faraax oo hore dhawr jeer ugu guulaystay oradka 10,000 ee mitir ee adduunka ayaa ku guulaystay abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan dhanka ciyaaraha ee BBC sannadka 2017ka.34 jirkan ayaa markii saddexaad oo xidhiidha ah ku guulaysay billadda dahabka ah ee orodka 10,000 ee mitir.Midkiisii u dambeeyayna wuxuu ku qaaday magaalada London bishii Augst, inkastoo uu laba jeer dhulka ku dhici gaadhay tartanka oo gabogabo ku dhaw.Wuxuu noqonayaa qofkii u horreeyay ee oroddada dhaadheer ka qaybqaata ee ku guulaysta abaalmarinta shaqsiga ugu wanaagsan ciyaaraha tan iyo markii uu isla abaalmarintaas helay Paula Radcliffe sannadkii 2002.Jonathan Rea ayaa kaalinta labaad galay halka Jonnie Peacock oo naafo ahna waxa uu galay kaalinta saddexaas.Mo Faarax uma ayna suurtogalin in uu ka qaybqaato xalfadda abaalmarinta oo Liverpool ka dhacday, balse muuqaal toos ah ayuu soo galay oo lagu gudoonsiiyay.Kenny Dalglish oo afka hore uga ciyaari jiray Liverpool iyo Scotland ayaa ku dhawaaqay abaalmarintan kadib markii ay bulshadu coddaysay.Mo Faraax oo London ku sugnaa ayaa u muuqday in uu aad ugu faraxsanaa abaalmarinta, ka hor inta aanu muuqaalkii tooska ahaa go’in.Michael Johnson oo ah orodyahan hore ayaa xafladda khudbad kooban ka jeediyay isaga oo matalaya Mo Faarax.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here