Xildhibaan Ku Eedeeyay Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka Ah Inay U Dhaqmaan Sida Laba Wasiir Oo Xukuumadda Ka Mid Ah

0
650

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ayaa dhaliil xooggan u jeediyey Hoggaanka sare ee xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Shacabka reer Somaliland tabanayaan kaalintii Mucaaradnimo ee xisbiyada, ka dib buu yidhi markii hoggaanka Xisbiyada WADDANI iyo UCID ay hareeraha ka fadhiisteen Madaxweynaha, sida Wasiirrada Xukuumadda oo kale.

Mudane Buubaa oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Shacabka reer Somaliland way tabanayaan Kaalintii Mucaaradka, ma jiraan xisbiyo Mucaarad ah oo adag oo buuxin kara kaalinta ay Shacabka reer Somaliland Maanta u baahan yihiin, Xisbiyada Mucaaradka ah waxaynu u samaysanay inay Xukuumadda toosiyaan mar walba oo ay u soo bandhigaan waxyaabaha ka khaldan, oo ay Xukuumadda u noqdaan Muraayad ay dhaleesheeda ka dhex aragto.”

Xildhibaanka oo ka mid ah xisbiga WADDANI wuxuu sheegay inuu hoggaanka WADDANI in badan kala hadlay inuu qaato kaalintiisa Mucaaradnimo, laakiin taasi uu ka sii qaaday firdhad iyo inuu Xukuumadda isku dhiibo “Maanta labadii Xisbi Mucaaradba waxay ag-fadhiyaan oo aad mooddaa inay Wasiirro u yihiin Madaxweynaha Maanta jooga, waxaad mooddaa inay laba Wasiir noqdeen.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “In badan baanu kala hadalnay (Hoggaanka xisbiga WADDANI) annaga oo ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada ku matalaynay Magacaa aad sheegayso, laakiin waxba kamay qaadan, markaanu dhaliishooda sheegno hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ama Xisbigii Mucaaradka ahaa ee aanu ka tirsnayn ee WADDANI waxaabu ka sii qaaday inuu firdhado oo uu Madaxweynihii u galo oo uu Xukuumadda isku dhiibo, taasina maaha wixii looga baahnaa hoggaanka xisbi Mucaarad ahi inuu yeesho.”