Yuhuuda Oo Gacan Weyn Ka Geysatay Qabsashadii Ciidamada Kenya Ee Kismaayo

0
726

Israel and KenyaNairobi (Geeska/Debka)- Xukuumada Yuhuuda ayaa la sheegay inay kaalin muuqata ku lahayd qabsashadii ciidamada Kenya dhowaan gacanta ugu dhigeen magaalada Kismaayo, oo ahayd dhufayskii ugu danbeeyey e emaleeshiyaadka Shabaab. 

 

Sida lagu sheegay bar net-ka ay sirdoonka Isra’il ku leeyihiin khubaro ciidamada milateriga Yuhuuda ayaa gacan ku lahaa qabashada Kismaayo oo dad gaadhaya laba boqol oo qof ku noolyihiin iyadoo taageeraysay ciidamada Militeriga Kenya iyo kuwa midowga Afrika ee Amisom.

Qabsashada Kenya ee magaaladaa ayaa ahaa qorshe si weyn looga ilaalinayey fashilaad, maadama hore Itoobiya iyo Maraykan ku fashilmeen, hase yeeshee, xukuumada Maraykanka iyo Paris ayaa beeniyey inay wax lug ah ku lahaayeen xasaradaha ka taagan geeska Afrika.

Mareykanka ayaa taageero xooggan siiyey dedaalka Kenya ku gashay gudaha Soomaaliya halka sidoo kalana xukuumada Faransiiska la sheegay inay ka taageertay dhanka hubka iyo dagaalka badda.

Xukumadaha Jerusalem iyo Nairobi ayuu ka dhaxeeyay iskaashi weyn oo ku aadan in lagalo gudaha magaaladda ay ku xoogan yihiin Shabaab oo xidhiidh la leh AlQacida.

Sida lagu sheegay WEBSITE gaar ah oo ay leeyihiin Sirdoonka Yahuuda, Lataliyaal dhanka Militeriga ayay Israel usoo dirtay gudaha Kenya.

Militeriga Israeli ayaa ku caawiyay qorshihii ay Kenya howlgalka ku bilowday. waxaa sidoo kale ay siisay dhiira gelin ah in ay la dagaalamaan Shabaab, iyagoo dajiyay istaraatiijigii qabashada magaalooyinkii ay ciidamadu gaareen, sida in Israel ay Nairobi usoo daabushay qalab dagaal oo ay kamid yihiin diyaaradaha Duuliyaha lahayn ee Drone-ka ah iyo qalab basaasnimo ah.

Sidoo kale Israeli ayaa ciidamo boolis ah iyo kuwa sirdoonka ku soo dartay kuwa amaanka Kenya si ay howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo ugu sameeyaan magaalooyinka waa weyn ee Kenya

Ilaa iyo maanta Howlgalkii ay Kenya ku gashay gudaha Soomaaliya, Kooxda Al-Shabaab ee xariirka la leh Al Qaeda waxaa ay weeraro ka gaysteen gudaha gaar ahaan Nairobi iyo Mombasa.