Gudoomiyaha Togdheer Oo Ka Warbixiyay Khasaare Roobab Gobolkaasi Ka Da’ay Geysteen

0
513

 

Burco(Geeska)-Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaare naf iyo maal-ba leh oo ay geysteen roobab laxaad leh oo todobaadadii u danbeeyay ka da’aayay gobolka Togdheer iyo nawaaxigiisa.

 Badhasaabka oo koreem ku soo maray deegaamada ay roobabkani ka da’een ayaa sheegay in uu hal Qof ku dhintay isla markaana ay ku nafwaayeen xoolo tiradoodu gaadhayso 3500 neef .

 Guddoomiyaha ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalada Burco oo uu kaga warbixinaayay deegaamada ay dhibaatooyinka roobabku ka gaysteen ee uu booqday . “ Deegaamada aan socdaalkayga ku tagay ee ay roobabkani waxyeeleeyeen waxa  ugu daran wixii Durukhsi ka soo rugan Riyo-xidho ilaa Harada- ilaa Nasiye iyo deegaamada ku xeeran dhamaan dhulkii biyiha wadhan badweyn ayay noqdeen waxaana ku dhintay xoolo aanu ku qiyaasnay 3500 _neef oo iskugu jira Adhi iyo Geel waxaana dadka ku dhintay inta aan ogahay 1Qof oo danab ku dhacay ,halka sedex kale-na uu dhaawacay oo Cusbitaalka Burco lagu daaweynaayo.

Waxa kale oo iyana soo raaca  deegaamada khasaaraha roobku ka gaystay Taalo-buur ,Dabo-qabad iyo Heere dhamaan dhulkaasi roobabka ka da’ay xoolo badan  ayaa ku nafwaayay “ Sidaas ayuu badhasaabku yidhi waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.

“ Waxaan leeyahay oo aan ugu baaqayaa dawladda ,hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga ,ganacsatada reer Togdheer iyo intii imalqaysaba in ay dadkaasi gurmad degdeg  ah u fidiyaan  oo la caawiyo maanta waxa ugu darani waa hoy iyo wixii ay cunilahaayeen waayo dadkan roobabku way caydheeyeen .

 Badhasaabka gobolka Togdheer ayaa geesta kale ka dayriyay xaalada caafimaad ee ay ku suganyihiin dadkan roobabku barokiciyeen oo uu xusay in ay tiradoodu badantahay ..

 Geesta kale roobabkan xoogan  ee deegaamada gobolka Togdheer khasaaraha ka gaystay ayaa ku soo beegmay xili ay  todobaadadii u danbeeyay roobab mahiigaano ahi ka da’ayeen gobolada Somaliland iyo Somaliya kuwaasi oo khasaare kale oo baaxadle ka gaystay gobolka xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne halkaasi oo daadad ku fatahay ay ugu yaraan ku nafwaayeen 30Qof halka ay boqolaal kale-na ku barokaceen.