Yaa Dumar Raali Gelin Kara..?

0
767

Hargeysa (Geeska)- Gobolka Dallas oo ka tirsan dalka Maraykanka ayaa beri laga furay suuq weyn oo noociisu aanu hore uga jirin dunida. Suuqan waxa loogu tala galay in dumarka lacagta lihi ay ka soo iibsadaan ragg. Suuqan oo ahaa dhisme ka kooban Shan dabaq waxa lagu soo ururiyey rag tiro badan, oo loogu tala galay in gabadh kastaa ay ka xulato ninka iyada qanciya.

Ragga lagu iibinayey Suuqani waxa ay u qaybsanaayeen qaybo lagu sheegay in ay kala qimo sareeyaan kalana xulsan yihiin. Tusaale ahaan mar kasta oo aad dabaqa sare sii fuusho ragga ku jiraa waa ay sii tayo iyo tilmaamo fiicnaayeen. Shardiga keliya ee laga rabay gabadh kasta oo suuqan u timaadda in ay nin ka iibsataana waxa uu ahaa in aanay ka karin noqon suuqan iyada oo aan hore ka sii kaxaysan nin ay ka iibsatay, haddii kale la ganaaxayo.

“Marka aad gasho dabaqan waa in aad ragga ku jira mid ka doorataa, haddii mid ku qanciya aad ka weydo, faramadhnaan ha noqon ee u gudub dabaqa ka sii sareeya” Ereyadan ayaa ahaa hal-ku-dhegga ku qoran kadinka dabaq kasta oo ka mid ah shanta dabaq ee meheraddani ay ka koobnayd. Sidoo kale dabaq kasta waxaa ku qornaa ereyo muujinaya nooca iyo tilmaamaha ragga ku jira dabaqaas.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay dhacday markii laba hablood oo lacag lihi ay go’aan sadeen in ay ka soo adeegsadaan suuqan si ay u soo xushaan laba Nin oo ay nolosha qoysnimo la wadaagaan. Markii ay dabaqii Koowaad galeen waxa ay ku arkeen boodh uu ku qoran yahay, “Ragga ku jira dabaqani waa rag shaqooyin fiican haysta ubadkana jecel” labadii hablood iyaga oo wada hadlaya ayey isku yidhaahdeen. “Waa ay fiican tahay, waa ay dhaammaan kuwa aan shaqaysan ama Ubadka neceb. Laakiin aynu raadinno kuwo ka sii fiican” Kadib waxa ay u gudbeen dabaqa labaad iyaga oo raadinaya rag ka sii fiican. Markii ay dabaqii Labaad yimaaddeena waxa ay arkeen Boodh kale oo ay ku qoran tahay, “Ragga ku jira dabaqan, waxa ay haystaan shaqooyin heer sare ah.. Ubadka aad ayaa ay u jecel yihiin.. Waana rag aad u qurxoon weji ahaan iyo qaab ahaanba” Labadii hablood inta ay aad uga heleen ayaa ay isku yidhaahdeen, “Waaw..! Kor inoo wad kuwa sarana, kollay kaba sii wanaagsan ee” Dabaqii saddexaad waxa ay ugu yimaaddeen qoraal kale oo odhanaya, “Ragga dabaqan lagu iibinayaa waa rag hasyta shaqooyin mansab sare iyo lacag badan.. Ubadka jecel.. Aad u qurux badan.. Diyaarna u ah in ay xaaskooda ka caawiyaan shaqada Guriga..”

Labadii hablood inta ay is eegeen mar kale ayaa ay isku yidhaahdeen, “Kuwanaa wixii horaba ka badiyey, bal hadda kor inoo wad, kuwa sarana ka sii fiican ee” Waxa ay yimaaddeen dabaqii Afaraad waxa aanay ku arkeen qoraalkan, “Ragga dabaqan lagu iibinayaa waa rag haysta shaqooyin aad u sareeya dhan walba.. Ubadka aad u jecel.. aad uu qurux badan.. u diyaar ah in ay xaasaskooda ka caawiyaan hawlaha guriga intaaba waxa u dheer in ay yihiin rag samayn kara Jacayl” Inta ay is qanjiidhiyeen labadii hablood ee Saaxiibbada ahaa ayaa ay isla garteen in maadaama dabaqba dabaqa uu ka sareeyo uu ka rag fiicnaa ay ka war doonaa ka shanaad oo laga yaabo in xulkii ugu dambeeyey uu ku jiro. Laakiin markii ay soo gaadheen dabaqii shanaadna waxa ay ugu yimaaddeen qoraal weyn oo lagu xardhay, “Rag halkan kuma jiraan.. dabaqani wuu madhan yahay.. waxaana loo sameeyey keliya in la caddeeyo in RAALI GELINTA DUMARKU AY hiigsi aan la gaadhi karin. Waa aad Mahadsantihiin. Nabadeeeey”

Meheraddan waxaa furay koox rag ah oo ku sharatamay in raalli gelinta haween la gaadhi karo, ujeedada laga lahaana waxa ahayd keliya in la hubiyo in dumarku ay ku qancaan waxa ay hayaan iyo in ay mar kasta wax ka sii badan raadiyaan, gaar ahaan marka ragga laga hadlayo, sidii ayaanay u dhacday oo meheraddii laguma arag gabadh nin ka doorata, mid kastaa dusha sare ayaa ay u sii soconaysay si kuwa ugu wanaagsan ay gaadho, illaa aakhirka ya gaadhaysay dabaqa madhan.