“Maanta Lama Joogo Wakhtigeedii [Murashaxnimo], Horena Waan Uga Jawaabay, Waxaana Maanta Musharax Ah Madaxweynaha”

0
541

Picture6Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay Siyaasada Arrimaha Dibadda ee dalka, isagoo iska difaacay eedaha xisbiyada mucaaradka oo uu ku tilmaamay kuwo iska jiidhsii ah.

Md. Biixi wuxuu sheegay inaan la taagnayn wakhti uu ka hadlayo murashaxnimadiisa madaxweyne mar haddii uu Madaxweyne Siilaanyo murashax yahay. Biixi wuxuu amuurahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay.

Ugu horayn Wasiir Biixi oo la weydiiyay aqoonsigii uu dhawaan golaha deegaanka Cardiff ee Ingiriisku siiyay Somaliland wuxuu yidhi   “Walaahi waxa ay iigu muuqata in aqoonsigii aynu dhawaan ka helnay Golaha Deeganka Cardiff inay Somaliland saameyn weyn ku leedahay, dadka reer Somaliland-na u  tahay  wax u soo kordhisay, waa dhab oo Sheffield iyo Cardiff waa Magaalooyin ku yaala Dalka Ingiriiska,  waxayna Golayaashooda Deeganku yihiin Golayaal khibrad u leh aqoonta caalamka, oo dadaalka ay Somaliland gaadhay Sheffield aad iyo aad ayey uga hawl gashay, oo Sheffield sidoo kale qeyb ayey ka qaadatay aqoonsiga Falastiin iyo Koonfur Afrika, Goleyaasha Magaalooyinkani waa Goleyaal Deegaan oo mutacalimiin ah oo horumar weyn gaadhay, jecelna Wadamada Somaliland oo kale, iyaga oo dhiirigeliyey dadaalka ay sameeyeen Koonfur Afrika iyo Falastiin, sidaas oo kale ayeyna Cardiff sameeysay qaar kale oo fara badana wey soo socdaan, waxa aan u arkaa guul dadka ay arkeen nabada, xasilinoonida, iyo wanaaga ay Somaliland gaadhay, waxayna arintani tahay arin lagu diirsado”.

Wasiirka Arrimaha Dibada mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Dibadda iyo waxa Somaliland u qabsoomay tan iyo intii uu ahaa Wasiirka ayaa yidhi “Wadamada Caalamku si xoog leh oo is daba joog ah ayey inoola sii xidhiidheen, Wadamo fara badan oo ay ka mid yihiin Ingiriis, Faransiis, Bilgium iyo ururada UN, EU-da,   dalalka Mareykanka, Turkiga, Japan, Talyaani iyo Wadamo kale oo aad u fara badan ayaa nala soo xidhiidhay, xidhiidhkeena Caalamku aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay, waxyaabaha ugu waaweyn ee aanu ku dadaalnay waa in la isku xidho Somaliland iyo Beesha Caalamka, Beesha Caalamku waxa ay inoo aragtaa dad jira oo jooga, Wadamo badan ayaa safar inoogu yimid, oo dalkeena yimid, inaguna dalkooda ayeynu ugu tagnay, waanu la shaqaynay, oo Shirir waaweyn  ayaanu  ku qabanay Wadamada horumaray, sida Shirkii aynu ku qabanay, Brussels,  Shirkii Ganacsiga ee aynu ku qabanay Ingiriiska,  Wadamada jaarka iyana xidhiidh wanaagsan ayaa inaga dhexeeya, oo Wadanka Itoobiya, waxa aanu la saxeexanay heshiis weyn oo balaadhan oo ku lug leh Jidka, Laydhka iyo  Biyaha”.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo la weydiiyay waxyaabaha uu isleeyahay Somaliland way u qabsoomeen ayaa yidhi  “Waxa aanu aamisan ahay in aanu leenahay aqoonta iyo khibrada aanu ku dhaqaajin karno Siyaasadaheena, waxaynu nahay dal nabad ah oo la jecel ahay, waxaynu nahay dalka dimuqraadiya oo wax badan qabsaday,Xuquuqul Isaanka ixtiraama”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko dhaliisha Xisbiyada Mucaaradka ee Siyaasada Arrimaha Dibada iyo waxa ka jira ayaa ku jawaabay “Walaahi Qofku ama Mucaarid ha ahaado ama Muxaafid marka uu wax diidayo ee uu dhaliilayo waa inuu dhaliisha wax ku sameeyaa, oo uu dhaliisha caddeeynteeda keena, Mucaaradkuna waa iska jiidhsii, laakiin waxa jira meelo aan waxba laga mucaaradin sida Cardiff iyo Sheffield, meelaha wanaagu ka dhaco mid yar iyo mid weyn, Mucaarad iyo Muxaafidba inaynu ku faraxno weeye, Mucaaradkuna indhahooda ayey ku arkeen, horumarka dalka ka socda, dadka imanaya, dadka iyo wadamada inala soo xidhiidhaya, ha ahaadan EU-da, IGAD, sida Wadamada aynu jaarka nahay ee Itoobiya, Jabuuti,Kenya iyo sidoo kale Wadamada Caalamka, iyo dad badan oo doonaya inay dalka maalgashadaan, ha ahaado Ganacsi, Shidaal, iyo wixii la mid ah, Mucaaradka weynu u baahan ahay inay na toosiyaan, oo ma diidanin, blasé waa inay na tilmaam oo ay yidhaahdan halkaas toosiya, sidaas wax u hagaajiya, anaguna diyaar ayaanu u nahay in aanu dhegaysano, oo wixii naga qaloocsan aanu hagaajino, laakiin cay mutaxani kheyr ma leh”.

Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa  mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Dagaalka Yamen ka socda ayaa yidhi “Yamen waa Wadan aynu jaar nahay, taariikh dheer ayeynu la leenahay, weynu kala guursanay, dad badan oo Somaliland ahi boqol sanno horteed ayey deganayeen, waa dad iyo dal kalgacal iyo walaaltinimo inaga dhexeeyso, waana dad Maanta dhibaato haysato, qaxoonti ayaa ka yimid, qaxoontigooda waanu soo dhawaynaynaa, wax alaale waxa ay Dawladda  Somaliland u qaban karto Shacabkaas reer Yamaneed ee inagu soo qaxay wey u qabanaysaa, weyna soo dhawaynaysaa, inaguba weynu ku qaxnay dhulkooda, waxa aanu sameeynay kooxo ka shaqaya halkii la dajin lahaa, Caalamka arintaas waanu kala xidhiidhnay, waana soo dhaweeynayna ”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada oo aanu wax ka weydiinay sida warar dhawaan laga baahiyay oo sheegaya inuu is casilayo wuxuu yidhi  “Waxa la yidhi wuu is casilay,  UN-tii ayuu ku noqonayaa, oo Ban Ki Moon ayaa shaqo siiyey, Ban Ki Moon waanu u shaqayn jiray, oo Ragga ku xiga ayaan ahaa, oo meel sare ayaan ka gaadhay, oo markaas xiiso weyn oo balaadhani iima hayo, waxaana diyaar u ahay in aan Wadankayga wax aan u qaban karo u qabto”.

Mar aanu wax ka weydiinay hankiisa siyaasiga ah  iyo musharaxnimadiisii Madaxweyne halka ay ku dambaysay ayaa ku jawaabay “Maanta lama joogo wakhtigeedii lama joogo, horena waan uga jawaabay, waxaana Maanta Musharax ah Madaxweynaha”.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa mar aanu wax ka weydiinay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee dhawaan burburay ayaa ku jawaabay “Wada hadalada soo celintooda  anagu shuruud ayaanu ku xidhnay, weyna soo noqon doonaan, wada hadaladuna waa dariiqa keliya ee saxda ah ee aanu ku kala bixi karno Somaliya, inaga mawqifkeenu wuu cad yahay, haddii aynu Somaliland nahayna waxa aanu go’aansanay in aanan Somaliya iyo inagu ayeynaan is hor fadhiisan, waxa aanu doonaynaa inay Beesha Caalamku ina dhex gasho, maxa yeelay Somaliya waxa alalae wixii aanu ku heshiinay kamay soo bixin”. Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayaa mar uu baaq u diraayey Bulshada Somaliland yidhi “Bulshada Somaliland waxa aan ugu baaqaya inay midoobaan, inay isku duubnadaan, inay nabadooda xajistaan, inay horumarkooda ka shaqayaan, oo halgankii ay galaan halkii ka sii wadaan,meelna uga soo wada jeesta qadiyadooda,  Ictiraafkii, Noloshii iyo Barwaaqadii wey soo socota,  ee waa inaynu dadaalna”.