Arrimo Burburiya Awoodda Maskaxeed Ee Qofka

0
593

Picture7

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii 3aad ee taxanihii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey arrimo ay khubarada cilmunafsigu xaqiijiyeen in haddii aanu qofku iska ilaalin ay ku keeni karaan burbur iyo hawlgab ku yimaada awoodda maskaxeed ee qofka.

7. Guusha dadka kale oo aad makhruuq ka noqotaa waa bilowga burburka awoodda shaqo ee maskaxdaada: Waa arrin in badan dhacda, guul iyo horumar qof gaadho in ay ka hinaasaan dadka ku xeeran ama loollanka iyo ficiltanku ka dhexeeyo, waxaana dhacdaba in dareenkaas hinaase uu dadka qaar ku dhiirri geliyo in ay iyaguna markooda u halgamaan in ay guushaas mid la mid ah gaadhaan. Laakiin haddana waxaa marar badan dhacda in hinaasahaasi uu isu beddelo calool xumo iyo in uu qofku ka makhruuqo guusha dadkaas kale sameeyeen.

Mar kasta oo aad aragto qofka kale oo guulaystay, waxa aad naftaada u sheegtaa in guushiisaa macnaheedu aanu ahayn in aad fashilantay, balse waxaaba suurtogal ah in guushiisu ay tahay farriin dad ban oo aad ka fahmayso in fursad kale oo aad ku guulaysan kartaa kuu hadhay, ama in aad ka qaadato duruus si guud kuugu faa’idaysa, horumarna aad ku gaadhi karto.

8. In Mar kasta oo aad hawl gelayso aad ka fikirto in suurtogalnimada in ay fashilanto: Afkaarta qofku waxa ay isu beddeshaa aaminsanaan, ama aynu nidhaahno afkaarteenna ayaa caqiiqo noqota, caqiiqadadaas / aaminsanaantaasina waxa ay isu beddeshaa ficil, ficilkuna waa ka natiijada keena. Qofka caqliga badani waa ka si fiican u garanaya qaacidadaas sidaa awgeed afkaartiisa u qaadanaya in ay tahay quwad. Waa ka aaminsan in wax kasta oo la qabanayaaba ay leeyihiin suurtogalnimada in ay fashilmaan, laakiin dhinaca kalana ay kaga jirto fursad guul ah. ku dadaal in aad intii awooddaada ah ku dhiirato ka midho dhalinta afkaarta fiican ee aad hayso, adiga oo aan ka cabsi qabin fashilaadda laga yaabo in ay ku timaaddo dadaalkaaga.

9. Weligaa xaalkaagu si kasta oo uu meel xun u marayo ha ka xumaan: Noloshu waa ay adag tahay caqabado badanina ku xeeran yihiin; dad badan ayaa ay maalin kasta dhaawacdaa, kuwo waa ay dishaa, kuwo kalana silic iyo darxumo ayaa ay baddaa. Mar kasta ogow in noloshu aanay kuligeed ahayn ubax iyo xariir, sidaa awgeed mar waad kufaysaa, mar kale ayaad haddana turaanturoonaysaa, marar badan oo is xiga ayaa laga yaabaa in aad dhacdo. Nolosha ayaa iska wadata duruustaas, adiga, aniga iyo aadame kale oo joojin karaana ma jiro, sidaa awgeed waxa keliya ee inala gudboon waa in hagardaamooyinka nolosha iyo turaanturrooyinkeeda aynu ka baranno geesinimo iyo awood, waa in ay noqdaan duruus innagu dhiirrinaysa hal-adayga iyo in aynu ku sii adkaysanno tubtaas. Naftaada ha canaanan ee u arag in ay tahay dhibbane u baahan in loo hiiliyo oo waxa ay hiigsanayso lala raadiyo. La soco…