“Xukuumadu Waxa Ay Cagta Saartay Dhabadii Kaligii Talisnimada. Dadka Halaga Daayo Caga Jug-leynta Iyo Damdamta”

0
543

Picture5Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-xoog) ayaa sheegay in xukuumada hada talada dalka haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay cagta saartay wadadii kaligii talisnimada,waxaana uu ku eedeeyey in ay bulshada ku hayso caga-juglayn,cabudhin iyo xadhig,isaga oo ugu baaqay shacbiga reer Somaliland in ay fartooda ku ridaan maalinta doorashada iyaga oo illaalinaaya nabad galyada.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog) ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa,waxaana uu tibaaxay in dariiqa kali talisnimada ee ay hore ugu soo baa ba’een xukuumado fara badan oo quwad xooga lahaa.

"Nabad galyadu waa arrin qaali ah,waxaana nabad galyada Illaa shada dadweynaha.KULMIYE markii aanu anagu UDUB ahayn waxaa uu odhan jiray,nimankan UDUB waxaa ay nagu maa weeliyaan nabad galyada oo waxaad mooda beed jabaaya ama waxaa ay caabudaan Sanam la yidhaahdo nabad.Imika iyagu nabad-na ma illaaliyaane waa kuwan oo ciidamo dadka argagax galiya u soo diraaya,Shicib yahaw nabad galyada idinka ayaa illaa shada ee Illaaliya Xukuumada idinka ayaa keena ee jini ninkii keena saara codkiina iyo fartiina ku rida Xukuumada,nabad galyo darro iska illaaliya fartaada iyo codkaaga ku badal xukuumada Sababta oo ah Xukuumadu waxaa ay cagta saartay dhabadii kaligii talisnimada,waxaa Xukuumada talada dalka haysa tusaale ugu filan kaligii taliyeyaashii dunida soo maray waa in ay gartaan halkuu ku dambeeyey Siyaad Barre yaa ka xoog badan,mee mingeste hala maryam,mee kii sa'iir,mee markooskii filibiin,mee Qadaafi,mee saydul caabidiin,mee xusni mubaarik,mee jesuskii romeeniya.Intaas oo dhan ayaa tusaale kuugu filan dadka lama gaysto caga juglayn,cabudhin,xadhig waa ay ku waa ay ku sii dararaan,waxaan idin leenahay xadhig xal maaha,dadka caga juglaynta iyo diririgta iyo damdamta halaga daayo.Intaas oo kaligii taliye ahina halka ay ku dambeeyeen waad ogtihiin halka ay ku dambeeyeen"Ayuu yidhi Xildhibaan Xoog

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog) ayaa sida oo kale waxaa uu si adag uga jawaabay hadalo ay hogaanka xisbiga KULMIYE  ku sheegeen in guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu si xitaan ku sameeyey khaladaad ay sheegeen in ay ku jireen xeerkii uu guddoomiyaha golaha guurtidu dib ugu soo celiyey Aqalka golaha wakiilada,waxaana uu carabka ku dhuftay in habayaraateen aanay jirin meel guddoomiye Cirro uu sixitaan ku sameeyey khaladaad ku jiray xeer 37/2007 ee xeerka diiwaangalinta codbixiyeyaasha.waxaana uu si faah faahsan uu uga waramay xeerka diiwaan galinta codbixiyeyaasha oo muddooyinkii danbe uu khilaaf xoog ahi ka taagna.

"Hogaanka Xisbiga KULMIYE wax badan kalama socdo oo uu ugu horeeyo guddoomiyahoodu wax badan kalama socdo guddoomiyaha KULMIYE arrimaha sharci dajinta iyo halka ay wax marayaan,waxaa uu ku tiraabay guddoomiyahu in guddoomiyaha golaha wakiilada Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) uu saxay khalad ku jiray xeerkii uu u codeeyey golaha wakiiladu 30/09/2014-kii,guddoomiyaha golaha wakiiladu uma xil saarna qorida iyo isku dabaridida hadalka xildhibaanadu ku hadlaan iyo doodooda,waxaa jira waax la yidhaahdo hadal qoraal(Munites taking department) sidaas darteed guddoomiyaha waxa la siiyey nuqul,guddoomiye ku xigeenka koowaad-na nuqul ayaa la siiyey,guddoomiye ku xigeenka saddexaadna nuqul ayaa la siiyey.Xildhibaanada nuxurkii ayaa loo akhriyey qodabadii laga badalay ayaa loo sheegay xeerarka fara badan ee la isla akhriyey ayaa loo sheegay xildhibaanaduna aqlabiyada ayaa ay ugu codeeyeen xeerka.Xeerka xeer qudha ayaa loo codeeyey hal koobi ama nuqul qudha ayaa jira oo 46-qodob ah, ayaa golaha wakiiladu u codeeyey 30/09/2014-kii kuna ansixiyeen aqlabiyad 64-mudane ah,Markaa nuqlkaa mid aan ahayn cida haysaa ha keento,nuqlkaa 46-qodob ka kooban ee ay saddexda shir guddoona ay haystaan ee ay koobiga ka hayaan nuqul aan ahayn ma jiro,warqad yar oo qodobo lagu qor qoray ayaan arkaayey oo suuqa laga soo daabacay waxba kama jiraan,waaxda hadal qoraalka ayaa haysa haddaad doontaan waaxda hadal qoraalka ayaad u tagi doontaan.Markaa hogaanka Xisbiga KULMIYE ha keenaan haday hayaan nuqul labaad haddii kale waxan ay leeyihiin waxbaa uu saxay iyo waxbaa uu sameeyey iyo waxba kama jiraan”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Xoog

Md:Cabdraxmaan Xoog oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaas uu ku daray:“Guddoomiyahu waxba muu sixin qodobka 7-aad,25-aad,26-aad ee uu guddoomiyaha guurtidu warqadiisii ugu soo qoray guddoomiyaha golaha wakiilada,laba asbuuc ka dib markii aanu ansixinay xeerka oo taas ayaa uun uu guddoomiyaha golaha wakiiladu markii uu u jawaab celinaayey uu u iftiimiyey waxa ay qodobadaasi ka hadlayaan,oo uu yidhi qodobada loo codeeyey waa ku waas wax Alle waxa aan anigu ka badalay ma jirto,nuqulkiina waa kaas adiga ayaa ay kuu taala ee habraaca iyo nidaamka inaga dhaxeeya soo mar ama wax ka badal ama wax ku dar adiga ayaa ay kuu taala.laakiin hadalkan iyo dacaayadahan looga dan leeyahay in dib loogu dhigo doorashada mudane meesha ka daa,hadalkaasi waa uu cad yahay,qodobka 78 ee dastuurka ayaa aynu ku wada shaqaynaa,marka loo gudbiyo guurtida sharcigu waxaa uu u banaynayaa in ay wax ka badali kart,waxna ku dari karto,Xeer wax lagu daray ma jiro.Markaa waxaan leeyahay hogaanka KULMIYE been abuurka iyo hafarka ha ka daayaan guddoomiyaha wakiilada ee daacada ah ee ninka dagan ee xalaashaa ee hogaamin kara Somaliland,yaanay burush marinin madaw oo wasakhaysan yaanay marinin,wax alleh wax uu saxay ma jirto iyo wax uu khalad sameeyey toona"Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan .

Xildhibaan Cabdraxmaan Xusseen Jaamac(Aw-xoog) ayaa sida oo kale waxaa uu sheegay in shacbiga reer Somaliland ay u baahan yihiin isbadal,waxaana uu ugu baaqay labada Aqal ee Baarlamaanku in ay ka taxadiraan in ay isku dayaan in muddo kordhin ay u sameeyaan Xukuumada hada jirta,isaga oo tibaaxay in haddii ay sidaasi ay dhacdo shacbiga reer Somaliland ay gadood xoogan ka muujin doonaan arrintaas sida Burkino Faso.

"Umadda Somaliland waxaa ay u baahan tahay Isbadal.Markaa Baarlamaanka Somaliland waxaan leeyahay haw dhuran dhurwaagii lafta dhuuxay eersday,waxaan leeyahay ha ku ciyaarina dab haddii shacabku uu kaco lama hor joogsan karo waxa weeye waad arkaysaan waxa la yidhi mayd maxaa u danbeeyey markaa saa la yidhi kaas la sii sido,Burkina Faso waxa ka dhacay waad arkaysaan Baarlamaankii dab ayaa la qabad siiyey iyaga oo doonaya Baarlamaanku in ay badalaan mudada isaga oo Afar-Sano oo hore soo qabtay ee ninkii Madaxweynaha ahaa 20-ka Sanadood ee Burkina Faso,ayey yidhaahdeen dastuurka ayaanu u badalaynaa si mar kale loo doorto dadkiina waa ay gadoodeen deedna waa ay gubeen,waar waxaan idin leeyahya Baarlamaanka Somaliland-now Guurti iyo Wakiilaba dadku meel xun baa ay ka maraysaa bal arrinkaas iska rabo oo dab ha ku ciyaarina oo farahiina ha ku keensanina dhibaato wadankan ka dhacda,dadku ma ogala in maalin la kordhiyo Doorashada hal maalin dadku ma ogola"Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Xoog.

Ugu danbayntiin Md:Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac,waxaa uu si kulul u cambaareeyey xadhiga mid ka mid ah xubnaha gudida fulinta ee Xisbiga WADDANI oo ahaa xoghayahii xanaanada xoolaha ee WADDANI Md:Xasan Goodaad oo dhawaan ay xukuumadu xidhay,waxaanay uu sheegay in maxbuuskaas oo uu hada yahay Maxbuus Siyaasadeed,waxaana uu ugu baaqay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo in ay si dag deg ah ay u sii dayso maxbuuskaas. "Waxaan cambaaraynayaa xadhiga xoghayaha xanaanada xoolaha ee WADDANI ee xabsiga sida xaq darada ah loogu taxaabay,waa maxbuus Siyaasadeed waayo ma garanayno meel ay Xukuumadu gaysay markaan sidaas leeyahay waxaa lanagu yidhi CID-da ayaa uu ku xidhan yahay aniga oo Xildhibaankiisa ah ayaa tagay meeshii waa layga soo celiyey aduunyada ninka wakiilka Baarlamaanka uga ah lagama qariyo qofka xidhan ee ka mid ah dadka uu xildhibaanka u yahay.Aniga oo ah xildhibaankii ayaa tagay CID-da waxay ku odhanayaan meel sare ayaa amarka nalaga soo siiyey macnaa waxa weeyey Madaxtooyada oo meel sare ayaa amarka nalaga so siiyey ana shaqadayada xildhibaan si wanaagasn ayaa ay iila hadleen waa niman askara oo iyaga amar ayaa la siiyey xildhibaan anaga shaqadayada ha no qoonsanin anaga ha nagalaafanin,waxaa nalagu yidhi cidna lama tusi karo.Waar dee ninkani waa nin Mas'uul ah oo Xisbi ka tirsan,maaha dee nin argagaxiso ah ma qarxaayo dee hadalbaa uu yidhi,hadalkii ay ay rogtay shabakada Somaliland today ayey badashay oo qaloocisay hadalkiisii waan hayaa waxa weeye maxkamad cadaalad ah ha la horkeeno hadalkiisa ayaanu shidaynaayee,waxay tidhi Somalilantoday oo qortay waxaa uu yidhi Saleebaan Gaal ayaan dilayaa,Saleebaan Gaal baan dilayaa muu odhan hadalkiisii halkaas ayaa uu ku duuban yahay dee sharcigii iyo Maxkamadii midna lama ogala hala keeno Maxkamada,waxaanu si dag deg ah aanu ugu baaqaynaa Xukuumada Siilaanyo in si dag deg ah ay u sii dayso Xoghayahaas"Ayuu yidhi Md:Xoog.