“Madaxweynaha Way Ka Go’antahay Inay Doorasho Dhacdo, Balse Dadka Ku Xeeran Ayaa Go’aanka Leh”

0
592

Picture4Hargeysa (Geeska)- Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray),ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), uu yahay Madaxweyne hogaankiisu jilicsan yahay, isla markaana taladda dalka lala qeybsado, oo dad ka ag dhawi ay taladda dalka waxa ay doonayaan ay marsiiyaan.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray), ayaa isaga oo u waramaya Idaacada HIlaac, ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada iyo tacadiyada ay Xukuumaddani ku hayso Saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland.

Cali Guray ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafkii dhexmaray Ciidamada ilaalada u ah Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Berbea, waxanu khalad ku tilmaamay falkaas lagula kacay Xildhibaanada, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Sannadka Doorashadu waa uu iska hawlo balaadhan yahay, waana uu iska khilaafyo badan yahay, waxaana ugu muhiimsan sidii ay doorasho ku qabsoomi lahayd, Sannadka 2015, dadaaladeedii waanu ku jirnaa, dhinacyo badan waa laga wada, anagu inta hawshaas ku mashquulsan ayaanu ka mid nahay, Madaxweynahana doorasho ayaa ka go’an, Xisbiyadana Doorasho ayaa ka go’an, nasiib daradu se waxa weeye dad leh Siyaasada Madaxweyne Siilaanyo ayaanu taageersan ahay, oo aanu ku shaqaynaynaa oo ku jira Saddexda Gole Qaran, oo iyagu Doorasho diida, oo sababta ay Dorashada u diidayaana aanay ahayn dan Qaran, ee ay tahay danaysiyadooda gaarka ah, kuwa Xukuumadda ee Doorasho diidka ah waa kuwa ugu  xatooyada badan, waa kuwa Yurub Guryaha ka dhistay, Mareykankana ka iibsaday,oo tuubadaas ay kula jiraan doonaynin inay waayaan, kuwa kalena waa labadan Gole Barlamaan, oo mid dhawr iyo Labaatan sanno ayuu iska fadhiyaa, Golihiisi runta ahaa uu maydh-may uu bedelmay, waxa runtii ka sii joogana waa afraadii Odayaashii lagu doortay Boorama, waxa aynu arki jirnay in Guurtidu xal ka ahaan jiray barigii hore dhibaatooyinkeena qeybta ugu muhiimsan, waxaana nasiib daro ah Maanta in aanay xal ka ahayn, oo Guurtida ayaaba dhibaatada lafteeda ah, waxaana marag ka ah Xeerkan ay 64-Xildhibaan ansixiyeen, waxaana indhaha kaga soo dhuftay oo ku fadhiya Saleebaan Gaal, oo muddo kordhin u raadinaya Axmed Siilaanyo”.

Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Golaha Wakiilada laftooda waxa ku xidhan inay ansixiyaan Komishankii wey ka cago jiidayeen, wey ka warwareegan, ugu dambeyntii kal-fadhigii uu Guddoomiyuhu ugu yeedhay wey ka diideen, dhibatadaas haddii ay dhammeeyaana  wey hagaagayaan inta kale”.

Cali Guray isaga oo hadalkiisa sii wat ayaa yidhi “Mushkiladu waxa ay salka ku haysaa hogaaminta Madaxweyne Siillaanyo, oo go’aankiisu aanu ahayn mid dadka isaga ag jooga iyo inta la socota ku hagi kara, qaranka ku hogaamin kara, Doorashada, oo ducufka ayey ka faa’iidaysanayaan inta isaga ku xeerani, sida uu isagu doonayo iyo sida ay iyagu doonayayaan mararka qaarkood ayey ku qasbaan, dhacdooyin horena wey jireen, waxa uu isagu doonayo oo dan ah iyo waxa aanu isagu doonayn oo dan ahayn oo ay ku qasbaan, haddana tooda ayuu raaca, markaas khatarku waxa weeye hogaaminta Axmed Slillaanyo oo daciif ah”.

Cali Guray mar uu ka hadlaayey khilaaf soo kala dhexgalay ilaalada Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera ka tirsan ayaa yidhi “Ilaa hadad ma hayno in Wasiirka Arrimaha Guddaha shaqsiyan inuu amarka siiyey in Xlldhibaano xasaanad leh, oo walbiana goobtu uu yahay Xafiiskoodii, la iska hor taago oo gacan loola tago, inuu amarkaas Wasiirku bixiyey, ma hayno, laakiin waa arin fool xun, waxaanu u aragnaa gaf dhacay iyo dambi, Xildhibaanada cidii gacanta ula tagtay Sharciga kama weyna, haddii Sharciga loo sinaan waayana waa dambi, marka aad idiinku gashaan dambi ma noqoyo dambi, marka cid kale gashan waxa uu noqonayaa dambi, waa dhaqan aad u xun oo Xukuumaddani leedahay, oo laga soo dhakhlay xilli Siyaad Bare, oo ah waxa aanu anagu doona waa Sharci, xitaa haddii uu Sharci daro yahay, waxa aanu anagu diidnaan waa sharci daro, haddii uu xittaa Sharci yahay , xeerka qudha ee ay Xukuumaddani ku dhaqantaana waa kaas”. Cali Guray mar waxa laga weydiiyey sida uu arko Xeerka Saxaafadda ee Xukuumaddu soo rogtay ayaa yidhi “Marka hore inta aanay ka hadal Saxaafadda madax banaan, waxa ay ahayd inay eegaan Saxaafaddii Qaranka ee la wada lahaa sida ay u burburiyeen, Hablaha, Inamada iyo Shaqaalaha ka shaqeeya waxa laga wada maamula Madaxtooyada, waxa ay ku haystaan ta madaxa banaan ayey ku farxaan oo ay ogol yihiin, oo waa tii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada laga   caayey oo ah Guddoomiye iyo Musharax, oo xitta ma ogola eedaha iyo dhaliilaha ay u soo jeedinayaan inuu iska difaaco, waana dagaal culus oo lagu soo qaadayo Warbaahintii madax banana intii ka sii hadhay” Cali Guray mar wax laga weydiiyey Wargeysyada xidhan waxa uu ku jawaabay “Gafka ugu weyn ee laga galay warbaahinta xorta ah ma yara, oo ay ka mid yihiin Haatuf iyo Hubaal, oo walibana Haatuf ay tahay jariirada ugu cimriga dheer jaraa’iidka ka soo baxa Somaliland, marka laga reebo Jamhuuriya, oo aynu ognahay sida ay ula soo halgameen Axmed Siillanyo, markiii uu tartameeyey, abaalkoodiina waxa uu ka dhigay inuu Yuusuf Cabdi Gaboobe inuu xidho, jariiradiisina uu xidho, Hubaalna xidho, waxa loo xidhayna weynu wada garanaynaa, oo Inan yar oo uu Sodog u yahay, Wasiirka Macdanta oo uu Adeer u yahay, oo uu ka waramay musuqmaasuqooda,xumaantooda iyo tuugadooda, oo run ah, oo ka cadhooday, aniguna waxaan leeyahay Maalintiina adkaysta, wey iman Maalin uu Baashe Cawil Wanted uu noqdo, oo Gidaarada lagu dhejiyo, oo uu Lacagta uu Shandadaha uu ku qaado iyo Guriyaha uu iibsaday, in Maxkamad lagu soo taago,   waxa iman doonta wakhti uu Baashe Cawil uu ku soo dhici waayo Somaliland inuu yimaado”.