Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Calanka KULMIYE Ee La Gubay, Dibna U Milicsaday Calankii UDUB Ee Eyga Loo Xidhay Iyo Tirada Badan Ee Wasiirada

0
466

Picture6Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yasiin ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in Hantida Qaranka ay ilaaliso, oo aanay iibin, haddii ay iibinaysana sifo sharciya u marto oo Guddida Qandaraasyada lagu wareejiyo si ay u soo bandhigaan, waxaanu tusaale u soo qaatay Guriyaha Laynka Bilayska oo la sheegay inay Dawladdu doonayso inay iiibiso, balse waxa uu tilmaamay in aanay wacnayn in Bilayska guriyahaas laga saaro.

 Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yasiin ayaa isaga oo wareysi khaas ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu sidoo kale ka waramay Wasiirada faraha badan ee ay iska shabahaan Xukuumadiisi hore iyo Xukuumaddani, waxaanu xusay in marka hore Madaxweyne walbaaba uu Wasiiro tiro yar uu ku bilaabo Xukuumaddiisa, marka dambena uu badiyo, isaga oo arintaas ku sababeeyey Qabyaalada iyo Qabiilka.

Axmed YUusuf Yaasiin ayaa sidoo kale Xukuumadda ugu baaqay inay dulqaad la timaado, isla markaana dulqadkii ay Xukuumaddiisi hore ay la itmid la timaado, waxaanu Shacabka ku booriyey in la ilaaliyo Astaamaha iyo Calamada XIsbiyada ee la gubayo.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan Golaha Wakiilada, heerka Qabyaaladu Somaliland ka marayso, Dhibaatada Maxjarka Berbera iyo qodobo kale waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Marka hore waxa aan la hadlaya Dhalinyarada reer Somaliland, oo marka ay maqlaan Adduunku wuu banaan baxaya ama waa la mudaharaadaya,  inagu Mudahaadyada waxyaabihii ka horeeyey ee gogol dhiga u ahaa ma sameeynay,waa maya, Wamadan mudahaaradka sameeynaya Nin Gurigiisa Qori, Bud, Mindi iyo Toori mid yaala ma jiro,  Wadamada laga mudaharadnaa waa Wadamo hubkii la xareeyey,waxaas sifeeyey, oo Hubka  diiwaangeliyey,oo Nin walba Hubka uu haysto la og yahay, oo la cashuuro, ma jiro Qof sita Bud,  Hub, Toori, markaas marka aynu ka hadlayno Mudaharaad  inagu maynu gaadhin heerkii Mudaharaadka, markaas waxa aan leeyahay yaan la isku boorin Mudahaarad la gaadhin darajaadiisii ama waxa uu ina dhaxal siin doono, ”.

Madaweynihii hore ee Somaliland Axmed YUusuf Yaasiin oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Markii aanu ahayn Dawladda aad iyo aad ayaan uga soo horjeednay Mudaharaadka, imikana tii ayaan anigu ku adkaysanayaa, waxaana Dhalinyarada reer Somaliland ee dhashay wixii ka dambeeyey 1980-kii, ee aan ogeyn wixii dhacay iyo dhibtii ina soo maray inaan qabyaalad lagu abuurin.”

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlay Qabyaalada iyo doorka ay Somaliland hadda ku leedahay iyo dhibka ay ku hayso dadka iyo dalkaba waxa uu yidhi “Waxa jira arin inagu cusub, oo aad looga xumaado, oo Telefishanada lala soo fadhiisto, oo ah Qabyaalada, iyo haddii aanu reer Hebel nahay, ILLAAHAY SWT Quraankiisa waxa uu ku sheegay in Qabiilka loo sameeyey si la isku garto, Dhaxalka lagu kala qaato, balse Laan-dheeruhu waa  ka Alle ugu dhaw uguna cabsida badan, kaas ayaana Laan-dheere ah, Rasuulka SCW waxa uu yidhi Qabiilka marka si xun loo isticmaalo waa  qadhmuun ka xun Dhuusaada Dameerka, oo fitno waxa aan ahay ma bilawdo”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo hadlaya guurtida iyo sida looga baahanyahay curinta xeer la dagaalama dadka qabyaalada fidiya, wuxuu yidhi  “Guurtidu waxa ay gaar u leedahay Diinta, Dhaqanka iyo Nabadgeliyada, markaas Guurtidu ha curiso Xeer qabanaaya Ninka Telefeshinka la soo fashisanaya aniga oo reer Hebel ah, waxaasi inama anfacayaan, Wadankeena anfici mayaan, Ubadkeena dambena anfici mayaan, Somaliland marka laga yimaado Beelahan dhexe waa Odey keliya, anigu ma garnayo waxa la kala wado, waxaan leeyahay Guurtidu ha soo saarto wixii xakamaynayay ninka Qabyaalada sida xun u isticmayaala si aan wax loo yeelin Dhalinyarada:”,

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin mar aanu waxa ka weydiiany sida uu arko khilaafka ka aloosan Golaha Wakiilada, ayaa ku jawaabay “Waxaan maqlaayey waxa aanay sakaaro ka biiqsan oo la isku hayo oo ah Glaha Wakiilada,madaama aan anigu aqoon u leeyahay waxa ka socda Golaha Wakiilada, haddii aan dib ugu noqdo waxa Golaha ka socda, marka la leeyahay Xeer, goorma ayuu Xeer noqdaa, goormu se dhaqan gala, marka Xeerka uu Madaxweynuhu uu soo curiyo, ama Xukuumaddiisu ay soo curiso, ee la keeno Golayaasha, Mashruuc Sharci weeye, Xeer maaha, marka Golaha Wakiiladu uu ka qabsado shaqadiisa, muxuu ugu wareejiya Golaha Guurtida, waa in la saxo wixii khaldamay, oo lagu isku celceliyo, marka Labada Gole ansixiyo, Madaxweynaha ayaa loo celiyaa, marka uu Madaxweynuhu saxeexo, ayaa uu noqonaya Xeer dhaqan galay, oo loo magaca bixinayaa”.

Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wixii Golaha Wakiiladu isku qabteen waxa aan u arkaayey wax aan buurnayn, oo aan ahayn in la isku qabtaba, haddii wax la khalday  waa la sixi karaayey, oo haddii qolo u aragtay in Xeerkii wax lagu daray, ama laga nusqaamiyey, markii loo yeedhay, waxa ay soo qori karayeen Mooshin, ayey odhan lahaayeen Xeerkaas soo dhiga, waxaas ayaa khaldanee, taas waa la waayey,Guurtida  ayaa loo gudbiyey, may ahayn in iyada oo Golaha Guurtida la hor dhigin in Guurtidu soo celiso Xeerkan, Mudanayaasha cabanayaa wey u gudbin karaan Golaha kale cabashadooda, Golaha Guuritdu waa inay  ka gudataa  Waajibkooda oo wixi khaldan ay halkaas ku saxaan”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlayey kulan uu arintan kala yeeshay Xoghayaha Golaha Wakiilada ayaa yidhi “Anigu waxa aan la kulmay Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada, waxa aan ku idhi haddii ay wax khaldameen adiga ayey Cabdirisaaqoow, wixii halkaas ka baxay, adiga ayey ku fadhidaa, waxa uu igu yidhi waayey Nimanka cabanayaa iyagaaba aqlabiyadiiye may yimaadaan, oo inta ay fadhistaan saxaan, arintaasna gar ayuu ku yeeshay”.

Axmed Yuusuf Yaasiin isaga mar aanu waxa ka weydiinay sida uu arko inay Doorasho dalka ka qabsoomayso iyo in kale waxa uu yidhi “Wakhtigii Doorashada waxa ka hadhay lix bilood, ayaa jadwal u sameeyn kara ama xadidi kara wakhtiga Doorashada, waxa xadidi kara oo Jadwalka u sameeyn kara Komishanka oo dhex u ah Saddexda Xisbi, oo waxa ay sameeynayaan Jadwalka maalin walba waxa ay qabanayaan oo Maalinta la ansixiyo ayeyna ka bilaabayaan, oo waxa ay ka bilaabayaan Diiwaangelintii, cidii qandaraaska la siinayey, oo ay ka mid tahay qalabkii lagu shaqaynayey, ee Golaha Wakiilada waxa u taala Komishanka sii daaya, oo ansixya hawshooda ha qabsadaane, waxaana leeyahay in la isku dawakhiyo oo la isku wareeriyo wakhtiga ay Doorashadu dhacayso ma taalo,waxa ay Komishankaasi soo go’aamiyaan ayaa lagu dhaqmaya, wax la isku jiito, oo lagu dawakho maaha,, Doorashadu haddii ay June iyo December dhacdaba waa isku mid, waxa ka xun Doorasho lagu deg dego oo qalab qalab ah oo hadhaw la isku qabsado, oo la yidhaahdo waa la is boobay, oo wax ayaa dhacay, waxa ka fiican in si nadiif ah oo toos ah wax loo galo, Doorashadana waxa isa saaran laba Doorashho oo is xambarsan, oo kala ah Doorashada Madaxweynaha iyo Saddexda Xisbii oo soo bandhigaya min 82-Musharaxa oo Golaha Wakiiilada ah, Doorasho fudud maaha sida ay dadku u arkaan, waa Doorasho culus, oo miisaankeeda leh oo ayna doonaynin in dalka khalkhal geliso, oo fiican in laga baraan dego, Guurtidu waxba ma kordhin karto, Xukuumadduna waxba ma kordhin karto, ee Jadwalka Komishanka ayaa Jadwalka lagu shaqayno sameeynaya”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu ka hadlaayey dulqaadka Xukuumadda iyo talooyin u soo jeediyey kana hadlaya calanka KULMIYE ee dhawaan la gubay iyadoo hore calankii xisbigii UDUB ey loogu xidhay, ayaa yidhi “Waxa aan leeyahay Xukuumaddu ha dulqaadato, oo Ninka Kursiga fadhiya, isaga lama haysto ee Kursiga ayaa lagu haystaa,ee ha dulqaato, wixii la xidhayana yaan la iska xidhan ee Waaran Maxkamadeed ha loo soo qaato.

Calankan la gubaayo, ama Ey lagu xidhaayo, ama Kabo la iska marinayo Silaanyo ma leh, laakiin waa inuu qofku ogaada inuu dad kale ama taageerayaal kale waxyeelayo, Xisbiyada waxa loo sameeyey in Qabyaalada lagaga badbaado, oo Saddexaas Xisbi lagu kala faylo, Markii Calanka UDUB Ey-ga loo sudhaayey, Daahir Rayaale waxba lama yeelayn, laakiin taageerayaal badan oo UDUB ah ayaa wax la yeelayey, anaguna dulqaad ayaanu muujinay ee kuwana dulqaad ha muujiyaan, mana fiicna in Calan la gubo, Cod ayaad leedahay, ee cidda aad diidan tahay diida maalinta aad Doorashada, laakiin haddii Calamada la gubo waxa laga yaaba in dhibaatooyin iyo isku dhac yimaado”.

Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waa la ina soo galay, oo waxa aan qaba in faro shisheeye ina soo galeen, Nabadeena lama ogala, Rag ayeynu is haynaa, Rag ayeynu ka go’nay, oo aanu nidhi waxayagii ayaanu la noqonay, ee iyagu ina dayn mayaan ee Indhaha gudaheena aynu ka jeedino, oo kor aynu u jeedino, oo cidii nabadeena waxa yeelay waa in laga dagaalama, fiiro gaar ahna loo yeesha”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Dhulka Dawladda ee la sheegay inay Xukuumaddu iibinayso waxa uu yidhi “Laynka Bilayska talo ayaan ka soo jeedinayaa, oo waa meel ay Bilaysku iska leeyihiin, waxaana qabaa in loo hagaajiyo, waa badhtankii Magaalada, Bilayskuna kama maarmo,waxaana leeyahay wixii Danta Guud looga maarmayn waa in aan la taaban, wixii looga maarmayn iibna waa in si sharciya loo iibiya oo Guddida Qandaarsyada Qaranka loo gudbiyaa, wixii Umadda kicnaayana ha la joojiyo”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar aanu waxa ka weydiinay sida uu u arko khilaafka dhisme la sheegayo in loogu tallo galay Beer lagu xanaaneeyo xooluhu inta aanay dhoofin oo laga wado Berbera, ayaa yidhi  “Ganacsigeenu waa xor, arintan Berberana maan gelin, warna uma hayo, laakiin waxa igu soo duulay in Dhul la isku hayo, laakiin haddii Maxjar la sameeynayo Indha Deero Maxjarkiisa Deegaanka ayaa u dagaalamayey in la furo markii aanu anagu diidnay, oo waxa aanu doonaynay in Maxjar qudha dalku yeesho ,laakiin waxa cid walba lagaga gar helay in Ganacsigu xor yahay, Maantana haddii la sameeynayo Maxjar saddexaad waxa ay ku xidhan tahay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, laakiin in wax laba ilaa saddex qof dhex taagan ma fiicna in la reerayo”.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa la su’aalay sida uu u arko tirada wasiirada ee xukuumaddan iyo xukuumadoodii, waxaanu yidhi   “Wasiiradii hore ee uu Daahir Rayaale qoray waxa ay u badnayd qeybtii u dambaysay ee Doorashada, Dawlad kasta oo timaadana waxa ay ku bilaabi Wasiiro kooban, waxaad mooda dadkeena inay Wasiiradu wax gaar ah u sidaan, balse Wasiiradu waa kaaliyaha Madaxweynaha, oo Somaliland Wasiirka adigu ma lihid ee waxaad leedahay Xildhibaanada Golayaasha Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka, kuwaas ayaa ku matala,Madaxweyne walba marka uu yimaado, oo uu koobo Wasiiradiisa, beel beel ayaa loogu imanayaa, oo waxa lagu odhanayaan beesha Wasiir soo siisi, waana waaqici jira, taasna waxa lagaa baxayaa marka dalka la ictiraafo, laakiin Madaxweyne walba wuu ku qasban yahay inuu Wasiirada badiyo, maxaa yeelay qabyaaladaa ayaa meel xun inaga maraysa, Xukuumadduna marka meel ay ka dhacaan halka ay ka diri lahayd Wasiirada waa inay dirtaa Xldhibaanada, maxa yeelay iyaga ayaa Shacabkii matala ”.