Xukuumadu Ma Awoodi Kartaa Inay Xilka Ka Qaado Guddoomiye Cirro?

0
508

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE waxa ay maalmihii u dambeeyay ku jireen olole iyo dhoolatus hanjabaad ah oo ay ku muujinayaan inay cudud u leeyihiin inay ridi karaan guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna guddoomiyaha Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Sababta koowaad ee ay xukuumadda iyo xisbigeedu ku haystaan Cabdiraxmaan Cirro, waa  shirka dooda qaran ee ay iclaamiyeen xisbiga Waddani ee uu aasaasay iyo xisbiga UCID oo isna mucaarad ah, ka dib markii ay shirkaas kala wareegeen madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka.  Wixii ka dambeeyay dhawaaqaas waxa ay xukuumadu u aragtay guddomiye Cirro nin halis ku ah siyaasadooda islamarkaana sabab u noqon kara duufaano siyaasadeed oo ku kaca.

Laakiin, Marka laga tago faanka iyo is muujinta xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, waxa su’aal la iska weydiin karaa ma awoodi karaan inay guddoomiye Cirro xilka ka tuuraan oo ay jagadiisa ku fadhiisiyaan xubin kale oo ay soo xusheen.

In guddoomiyaha golaha wakiilada xilka laga qaado waxa soo jeedin kara sharci ahaan 27 xildhibaan, waxase xilka ka qaadi kara 58 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka mudane ee golaha wakiilada ka tirsan, taas oo uu macnaheedu yahay inay xukuumadu u baahantahay saddex meeloodoow laba meelood oo ka tirsan golaha wakiilada si ay u rido mudane Cirro. Marka si guud loo eegana xisbiga Waddani ee uu guddoomiye Cirro ka soo jeedaa waxa ay awood ku dhex leeyihiin gudaha golaha wakiilada taas oo u babac dhigi karta awooda xisbiga iyo xukuumada is huwani ay ku dhex leeyihiin golaha wakiilada.

Sidaas daraadeed waxa ay dad badani aaminsanyihiin marka laga tago faanka iyo hanjabaadda xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, inay ku adagtahay sida ay u heli karaan cod intaas leeg oo ay meesha kaga saaraan guddoomiye Cirro. Waxase ay xukuumadu suuqa gashatay dacaayado siyaasadeed oo ay ku faafinayaan awoodooda.