Khilaaf La Sheegay Inuu Soo Kala Dhex Galay Taliyaha Ciidanka Qaranka Iyo Abaanduulihiisa

0
494

Picture5Hargeysa (Geeska) – Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Axmed Shaqale iyo Abbaanduulaha Ciidamada Qaranka Cabdilaahi Xaaji Jaamac (Calas), ayaa la sheegay inuu soo kala dhex galay khilaaf, kaas oo ka dhashay hanaankii loo bixiyey derajooyinka ciidamada qaranka lagu taxay.

Khilaafkan labada Masuul oo muddo si hoose u socday, ayaa si weyn dibada ugu soo baxay, ka dib markii khilaafkani gaadhay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) si xal loogu helo isla-markaana meesha looga saaro.

Khilaafkan oo sida la sheegay ku taxaluqa sida loo qaybiyey derajooyinka oo la sheegay inaanu ku qancin abbaandulaha ciidamada qaranku, ayaa waxa ilo-wareedyo Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen in Madaxwayne Siilaanyo uu guddi u saaray xalinta khilaafka Taliyaha iyo Abbaanduulaha ciidamada qaranka Somaliland Sareeye Gaas Axmed Ismaaciil Shaqale iyo Cabdilaahi Xaaji Jaamac (Calas), balse ilaa hadda wax xal ah khilaafkaasi looma helin. Khilaafku wuxuu banaanka u soo baxay khamiistii oo la sheegay inay labada masuul isku muruxsadeen.

Abbaandulaha ciidamada qaranka Cabdilaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo aanu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay si aanu arrintan sax uga waydiino, ayaa sheegay inaanu ka hadlaynin khilaafka u dhexeeya isaga iyo Taliyaha Ciidamada qaranka ilaa inta uu dhamaanayo “ilaa marka wax dhammaadaan (mooyaane) ka warami kari maayo” ayuu si kooban Telefoonka ugu sheegay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu intaa ku daray “Adeer waa arrin ciidan ee na suga”

Abbaanduulaha ciidamada qaranka Somaliland, ayaa hore Madaxwayne Siilaanyo ugu gudbiyey waraaq uu isku casilayo, balse wakhtigaasi Madaxwayne Siilaanyo wuu ka diiday.