Waddani Oo Dhafoor Taabasho Ku Tilmaamay Qaadacadda Ay Xukuumadu Kala Hortimi Shirka Doodda Qaran

0
515

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, ayaa xukuumadda madaaxweyne Axmed Siilaanyo ku eedeeyay inay been abuur ka baahinayso dooda qaran ee xisbiyada mucaaradka ahi ay ku hawlan yahiin, waxaanu meesha ka saaray inay qabanayaan shir beeleed, xoghaye Uurcade waxa uu dhafoor taabad ku tilmaamay in xukuumaddu ay damacsan tahay inay doodaas qaran hor istaagto iyada oo hore u qabatay wakhtigii ay mucaaradka ay ahayd, sharciyada dalkuna ay ogashahay.

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, waxa kale oo uu xukuumadda ku dhaliilay falalka isku dayada dilalka ah ee dalka ku soo badanaaya,  waxaanu ugu baaqay xukuumadda dadkii falalkaas gaystay in la hor keeno sharciga, ayna ka waantowdo cabudhinta ka dhanka ah warbaahinta madax banaan.

Waxa uu arimahan kaga hadlay xoghayaha guud ee xisbiga Waddani waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Geeska Afrika,waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“Xaalada dalku maanta waa mid aad iyo aad u wanaagsan laakiin xukuumaddu waxay abuuraysaa xaalad fawdo ah.dooda qaran ee xsibiyada mucaaradka ah hadaanu nahay aanu ku baaqnay maaha mid cusub ee waa mid hore loo qabtay,mid ay KULMIYE iyo UCID ay hore u soo qabteen, waa wax qarankan iyo dalkan u faa’ido ah cid gaar ahna ma wadato ee cid kasta oo reer Somaliland ah waa dood u furan, oo la rabo dhibaatooyinka dalka ka jira sidii loo xalin lahaa in lagu eego. Waxa ka mid ah waxyaabaha aanu ka hadli doono golahan guurtida ee ilaa intay Somaliland jirtay aan lahayn sharci lagu badalo,iyada oo dastuurkeenu uu dhigaayo in doorasho lagu soo galo illaa maantana aany dhicin,in golahaas si dhaqso ah sharci loogu sameeyo cidii ka baxdana loogu badalo, waayo waa gole mustaqbalka dalku ku xidhan yahay oo miisaan ku leh dalka,waxaynu doonaynaa in diiwangalintan aynu dunida ku wareerinay ee inta laga gaadhsiiyo hadana baabayasa sidii aynu u hagaajisan lahayn,waxyaabo noocaas ah ayaanu kaga halaynaa, waana dood cid walba u furan.”

Xoghayahu waxa uu nasiib daro ku tilaamay in guddoomiyaha golaha wakiilada oo leh maamuuska afraad ee dalka in warbaahinta qaranka laga been abuuro “Waxa nasiib daro ah xukuumaddii dalkan xukumaysay wasiiradeedii oo maalin walba TV-ga qaranka iyo Idaacadii qaranku wada lahaa ka soo daynaaya been abuur, anagu ma qabanayno shir beeleed mana qabanayno shir qaran, ee waxaanu qabanaynaa dood qaran, nimanka wasiirada ah waxay ku samaynayaan wanjalaad xisbiyada qaranka iyaga oo darajo ku raadinaaya,iyaga oo dadkii soo baabulaya oo faafinaaya been ka dhan ah xisbiyadu waxa ay ku baaqeen iyo guddoomiyaha golaha wakiiladda Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi oo ah guddoomiyaha Waddanina, waxa maalin walaba laga soo daynayaa Tv-ga wax aanu odhan iyada la leeyahay shir qaran ayuu qabanayaa dalkiina waa uu baabinayaa, waana ayaan daro in isaga oo ninkii afraad ee maamuska dalka ugu sareeyay warbaahintii qaranka ee dadka ka dhaxaysay ay xukuumaddu ku aflagaadayso,isaga oo laga sheegayo waxaanu odhan oo aanu aaminsanayan.”

Xoghaye Uurcade isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Maaha hogaamiye dalkan la doonayo beelo iyo bur bur, waa mid doonaya in dalkan halka uu maanta joogo hore uga maro,waxaanu nahay xisbi ay ka go’antahay in uu shuruucda dalka ilaaliyo,laakiin aan aqbalayn wax aan sharci ahayn in inan yar noogu caga jugleeyo, doodaas qaran cid joojinkartaa iyo cid aanu u jiijinaynaa midna ma jirto, way wadayaan labada xisbi qaran umadda Somalilandna waxii ay talooyin hayso way ku biirinaysaa waxii doodaas ka soo baxa cida fulinysaana waa xukuumadda, in la yidhaahdo lama-hadli karo lamana doodi karo sharci dhigaya ma jiro.Waxaanu canbaaraynaynaa in Tv-ga qaranka iyo idaacadiiba loo adeegsado wax dalka dhib u ah iyo been aan jirin, oo la soo abaabulo dad been loo sheegay af lagaadana u gaysanaaya masuulka afraad ee ugu maamuuska u sareeya qarankan.Waxaanu diidaynaa oo canbaaraynaynaa cabudhinta warbaahinta lagu hayo, waxa askari u daadatay xarunta wargeyska Hubaal, wali maxkamad lama soo taagin dadkii falkaas gaysta oo ciiddanka booliska ka mid ah,waxaanan u soo jeedinaynaa falalkaas oo kale oo ka dhacay Gabilay,Burco iyo Ceerigaaboba in wariyayaal lagu wax yeeleeyo hadan aan cid loo hor keenin sharciga, waa in falalkaas ay xukuumadu ka waantowdo dadkii gaystayna la hor keeno maxkamad.waxa socda weeraro fool xun,waxa la weeraray xildhibaan Qabiile walina maxkamad lama keenin cidii weerartay, Waxa la weeraray Maxamed Kaahin waanu ka xunahay waana in sharciga la hor keeno dadka falkaas gaystay isaga oo ah nin aan mudnayan in qoriga loo qaato.”

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade, waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in laga dhagaysan waayay talooyinkii ay soo jeediyeen madasha wada tashigu“Waxanu diidanahay in la dhagaysan waayo aasaasayaashi SNM oo Maxamed Xaashi iyo Xasan Ciise-ba ay ka mid yahiin iyo mujaahidiinta kale ee Ibraahin Dhagaweyne iyo Xasan Guure ee soo bandhigay dhaliilaha jira ee cad cad in la qaabilo in la diido waa ayaan daro, waa wax aan loo baahnayan in nimankaas halgankii hadday tahay iyo dhismaa Somalilandba qaybta weyn ku lahaa in maanta la dhagaysan  waayo.xukuumaddu waa inay ka noqotaa oo ay tixgalisaa dadka mudan in la tix galiyo,haddii ay beelahooda soo kaxaysan lahaayeen waxaan hubaa in deg deg loo qaabili lahaa, iyaga oo muwaadiniin reer Somaliland ah haday rayi soo jeediyeen in la qaabilo madaxweyne xaqbaa laguugu leeyahay, dalkan hadaan dadkiisa taariikhda leh la’qadarin waxaynu noqonynaa ummad aan jirin jiilka danbana wax u hadhayaa ma jiraan.”

Ugu danbayntii Uurcade waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday“Waxanu aad uga xunahay wasiiradan habeen walba abaabulaya dooda qaran ee shalay la qabtay inay xaaraan tahay,waxii shalay aanu sharcigu diidanayan in maamta la yidhaahdo lama qaban karo waxaanu u aragnaa dhafoor taabad, cidna ka aqbali mayno, hadday rabaan waxii ay shalay samaynayeen inay mabnuucaan ha soo mariyaan golayaal qaran ayaa jira oo shuruuc ha ka sameeyaan,inta ka horaysa waxii qarsnkan u dan ah ee horana loo qaban jiray cid naga hor joogsan karta iyo cid aanu ka dhagaysanaynaa midna ma jiraan.”