Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Go’antahay Inay Doorashooyinka Ku Qabato Wakhtiga Loogu Tallo Galay Oo Ah 2015

0
434

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay sheegtay inay ka go’antahay inay doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka ku qabato wakhtigii loogu tallo galay oo ah badhtamaha sannadka 2015. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, oo dhawaan hadal ka jeediyay xarunta lagu daraaseeyo siyaasadaha ee Chatham House, ee wadanka Ingiriiska, ayaa sheegay inay dawladu beesha caalamka kala shaqaynayso sidii loo samayn lahaa diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo doorashada ka dhigi doonta mid xor iyo xalaal ah. Wasiirka oo uu mid ka mid ah dadkii madasha ku sugnaa wax ka weydiyay doorashooyinka soo socda iyo diiwaangelinta, ayaa sheegay in doorashooyinka loo qorsheeyay inay qabsoomaan sannadka 2015. “Somaliland waxay saaxiibadeeda deeq bixiyayaasha kala shaqaynaysaa diiwaangelinta cod bixiyayaasha, taas oo ay dalbadeen dadka reer Somaliland. Waxay diiwaangelintani caawin doontaa in la damaanad qaado inay doorashooyinku noqdaan xor iyo xalaal.” Ayuu yidhi Wasiir Biixi, waxaanu intaas raaciyay, “Wasaaradda arrimaha guduhu waxay ka shaqaynaysaa mashruuc laba dhinac ah oo tijaab ah oo lagu fulinayo diiwaangelinta cod bixiyayaasha.” Wasiirku, ugu dambayn wuxuu sheegay inay dawladda Somaliland ka go’antahay in doorashooyinka lagu qabto wakhtigoodii, waxase uu sheegay inaanay dhobi eryi doonin hawsha. Wasiir Maxamed Biixi, oo la weydiiyay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, wuxuu sheegay in wada hadalkii u dambeeyay aanay dawladda Somaliya ixtiraamin qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay, islamarkaana uu walaac muuqdo balse ay Somaliland doonayso inay hore uga sii dhaqaaqdo iskaashiyada bilowga ah.