Burco: Badhasaabka Togdheer Iyo Wasiiro La Shiray Cuqaasha Gobalka

0
510

Burco (Geeska)-Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Xaaji Cabdilaahi  iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda  ayaa kulan ay sheegeen in lagaga hadlayo nabadgelyadda  la qaatay qaar ka mid ah Cuqaasha gobolka Togdheer.
Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, waxa Saxaafadda faah-faahin ka siiyay Badhasaabka gobolka Togdheer  waxaanu yidhi

Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Xaaji Cabdilaahi oo shirkan kadib warbaahinta la hadlaayay ayaa yidhi” Shirkani waa shirkii cuqaasha ee goboka ka dhici jiray,bishiiba hal  mar,waxaanu kaga wada hadlaynaa xoojinta nabad-gelyadda is kaashiga bulshadda reer Burco markaa si fiican ayuu noogu socdaa waxaananu ra jaynaynaa in ay ka soo baxaan qodobo mhiim ahi ”

Labadan Wasiir ayaa ka gaabsaday in ay wax fah-faahin ah ka bixiyaan ujeedadda safarkooda Burco iyo kulankan ay cuqaasha la qaateen oo ka dhacay ee xarunta gobolka Togdheer.