“Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Qaran Ahaan Maanta Ina Hor-Taagan, Waxa Ugu Mudan Shaqo La’aanta Dhalinyarada”

0
528

Picture6Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sharaxaad ka bixiyay shaqo la’aanta dhalinyarada iyo siyaabaha mushaakilaadka shaqo la’aanta lagaga gudbi karo.

Dr Sacad Cali Shire, oo ka hadlayey Munaasibad shalay lagu furay xarun loogu talo-galay Maalgashiga ah oo qayb ka ah Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, ayaa soo tibaaxay in shaqo la’aanta dhalinyarada laga gudbi karo haddii la helo Maalgashi Malaayiin doolar ah, isaga oo tilmaamay in 10 Milyan ee dalka lagu Maalgaliyaa ay abuurayaan boqol shaqo, halka boqol Milyan ee Lagu Maalgaliyo dalku ay abuuri karaan ilaa 10 kun oo shaqooyin ah, taasi oo kafayn kari lahayd ardayda ka soo qalin jabisa Jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalka.

Wasiir Sacad Cali Shire, oo ka hadlaya arrimahaasina waxa uu yidhi “Dhibaatooyinka waaweyn ee maanta ina hor-taagan qaran ahaan waxa ugu mudan shaqo la’aanta dhalinyarada, markaa su’aashu waxa weeyaan maxay shaqo la’aantu u jirtaa, ama shaqadu Maxay ka abuurantaa”

Dr Sacad Cali Shire, waxa uu sharaxay waxyaabaha shaqo abuurka keena “Shaqadu waxay ka abuurantaa marka la isku geeyo Maal, Murug, dhul iyo Aqoon, waxa kale oo shaqada laga abuuraa beeraha oo uu ku jiro Kaluunku, khadamaadka ama adeegyada iyo qaybta warshadaha, afartaa qaybood waxyaabaha hortaagan horumarkooda waxa ugu mudan Maalgashiga oo inagu yar, aqoontii waxbaynu ka haynaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo sii faahfaahinaya arrintan “Haddii aynu sanadkii helo 10 Milyan oo Maalgashi ah waxay abuurayaan 10 kun oo shaqo, haddii aynu sanad walba helo 10 Milyan oo Maalgashi waxay inoo abuuri karaan 10 kun oo shaqo, tobankaa kun waa inta ka soo baxda Jaamacadaheena iyo dugsiyadeena sare, markaa mushkilada shaqo ee dhalinyarada waxaynu ku xalili karnaa boqol Milyan oo Maalgashi ah haddii aynu helo sanadkii”

Wasiirku, waxa kale oo uu tilmaamay “Halkee ayuu ka imanayaa Maalkaasi, maalkaasi waxa uu ka imanayaa Maalqabeenada waddanka ama dibadda” ayuu yidhi waxaanu intaa ku sii daray Wasiirku  “Innagu haddii aynu Somaliland waa Maxaynu waxaynu u hayno  Maalgashi dibadeed, oo qofka Maalgashada ahi inoogu imanayaa oo aynu ku soo jiidanaynaa si aynu shaqo u abuurno  ilayn intaas oo waddan oo kale ayuu haystaaye, innagu waxay haynaa fursado badan oo Maalgashi dhinaca beeraha, dhinaca xoolaha, dhinaca kaluunka, Macdanta, shidaalka, dalxiiska, warshadaha, biyaha, Tamarta, Baananka, isgaadhsiinta iyo baananka”

Wasiir Sacad Cali Shire, waxa kale oo uu sheegay inay wax u baahan in laga fiirsado ay tahay inaan Somaliland baan ganacsi lahayn “Waad ogtihiin oo Bangi Ganacsi ah ma lihin, iyadoo dhaqaalaheenu yahay 1 Bilyan ilaa 5 boqol oo Milyan, dadkeenuna ay yihiin ilaa afar Milyan, inaan dad afar Milyan ah oo dhaqaalahoodu yahay ilaa Laba Bilyan in aanay lahayn Bangi ganacsi waa arrin ka fiirsasho u baahan”ayuu yidhi