Xukuumadda Somaliland Oo Markii U Horaysay Madaarka Hargeysa U Diiday Diyaarad Ogolaansho Ka Soo Qaadatay Dawladda Somaliya

2
637

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay hawada Somaliland ka celisay diyaarad ogolaansho ka soo qaadatay dawladda Somaliya ee Muqdisho.

Diyaaradda la celiyay oo sumadeeda lagu sheegay SS34, ayaa la sheegay in markii ay hawada Somaliland soo gashay ay sheegtay inay ogolaansho ka haysato dawladda Somaliya, waxaanay masuuliyiinta dawladda Somaliland ku wargeliyaan inaanay dawladda Somaliya maamulin hawada Somaliland. Diyaaradaas iyo dib u celinteeda waxa warsaxaafadeed ka soo saaray agaasimaha hab maamuuska ee wasaaradda duulista iyo hawada Cabdillaahi Axmed Caarshe, waxaanu yidhi “Xukuumadda Somaliland waxay hawadeeda ka eridey diyaaradii ugu horeysay ee ogolaanshiiyo ka soo qaadada magaalada Muqdisho ee dalka Somalia ee aynu jaarka nahay, diyaaradan nooceedu ahaa SS34 ayaa isku dayday in subixii hore ee saaka ay ka soo degto garoonka caalamiga ah ee Igal International Airport, balse markii uu tower-ka Somaliland ogaaday in ay hawada Somaliland ay soo gashay diyaarad Permission ka haysato Muqdisho, ayay masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawadu ku amreen in ay ka baxdo hawada Somaliland, Somaliland Air space.

Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa in dowladda Somaliland ay awood buuxda u leedahay in ay control adag ku samaysa haweeda, Permission ama ogolaansho laga soo qaatay magaalada Muqdishona aanay diyaarada sidadaa soo geli Karin hawada Somaliland soona fadhiisan Karin garoomada jamhuuriyada Somaliland.

Somaliland waxay leedahay xuduudo hawo iyo kuwo dhuleed oo u gaar ah kuna qotonta qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland, sidaa darteedna aanay Somaliland cidnaba aanay ka aqbalayn in ay hawadeeda ku soo xadgudbaan diyaarado aan fasax ka haysan dowladda Somaliland, gaarana ahaana Wasaarada Duulista Hawada oo xukuumadda madaxweyne Axmed Siillaanyo ugu wakiil ah arrimaha duulimaadyada iyo ilaalinta hawada Somaliland.

Waxaanu u sheegaynaa kuwa ku riyoonaya in permission laga bixiyey magaalada muqdisho lagaga degayo Somaliland, ay tahay riyo been ah ayna ku cimro qaataan tan maanta Somaliland hawadeeda kaga eridey diyaarada muqdisho ka soo qaadatay ogolaanshiiyaha beenta ah.”

Comments are closed.