Saylici Oo Galbeedka U Tagay Xal U Helista Dil Ka Dhacay Xariirad

0
644

Picture5Borama(Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylaci, ayaa gaadhay magaaladaBoorama lana shiray Salaadiinta iyo odayaal dhaqameedka gobalka Awdal, isla markaasna soo jeediyay in dawlada lagu garab galo sidii loo soo qaban lahaa gacan ku dhiiglayaashii magaalada Xariirad ku dilay ninka habeen hore.

 

Sida oo kale waxa uu alle u waydiiyay in deegaankaas aanu dagaalku ku sii fidin. Magaalada Xariirad ayaa halqof ay ku dileen dab lay aan haybteeda la garan, waxaana ciidamada booliska oo amaanka magaaladaas aad u xoojiyay ay xidh xidheen odayaal dhaqanka ah.

Kulankan uu salaadiinta iyo odayaasha la yeeshay waxa madaxweyne ku xigeenka ku wahelinaayay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble,maamulka gobalka Awdal iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somalilad Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylaci, oo halkaas ka hadlay waxa hadaladiisa ka mid ahaa  “ Waxaan halkan idiinku imi kol hadaad saarteen farqigiii idiin dhaxeeyay ee dhanka talada ahaa  ee ku wareegayay sidanmiyaa la yeelo iyo miyaa la tashado, mar hadii aad dhamayseen idinka oo dhaqankii ah ka dawlad ahaan anaguna sidaas ayaanu idinku taageernay,sidaas aad maanta garteena in midnimo la sameeyo oo qaabka loo gartamayaa uu noqdo qaab ninkaas hebel anigaa  ka hab wanaagsan laakiin aniga ayaa reer hebal ah oo ka badan aanay dhacin. Alle ninkii dhintay hawnaxariiisto ninkii uu ka dhintayna samir iyo iimaan haka siiyo hawshaasna alle haynoo fududeeyo oo dagalkaas mid inugu sii fida ayaanu inagaga dhigin dawlad ahaana waa laga hawl galayaa  sidii horeba looga hawl galay idinkuna dhankiina dawlada gacanqabta.”

Ugaas  Cabdirashiid Ugaas Rooble oo isagun dhankiisa halkaas ka hadlay ayaa ku duceeyay in iskaashi iyo wada jir lagu qabto hawlaha guud ahaan dalka ka socda. Ninkan dhawaan lagu dilay magaalada Xariirad ayaa dilkiisa loo malaynayaa inay la xidhiidho aano qabiil.