Ganacsade Cumar Caydiid Oo Ka Waramay Sooyaalkiisa Taariikhed Ee Ku Xidhiidhsan Jidka Hargeysa Iyo Salaxley

0
950

Picture1Sallaxley (Geeska) – Ganacsade Cumar Caydiid, oo qayb libaax ka qaatay wadada isku xidhaysa Magaalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley, ayaa shalay ka qayb-galay Munaasibad lagu furayey wejiga labaad ee dhismaha wadadaasi oo ka bilaabmaya TOON ilaa INA-GUUXA, waxaanu halkaasi kaga jawaabay su’aalo badan oo shacabku ka waydiiyeen waxa ku kalifay inuu dhaqaale badan ku bixiyo dhismaha wadadaasi, maadaama oo uu yahay Ganacsade reer Jabuuti ah.

Ganacsade Cumar Caydiid, oo hadal ka jeediyay Munaasibad dad badan ka qayb-galeen oo lagu bilaabayey dhismaha 20KM, ayaa isaga oo sharaxaya waxa ku kalifay inuu ka qayb-qaato dhismaha wadadaasi iyo duruufaha ka soo maray wakhtiyo hore ayaa yidhi “Dad badan-baa iswaydiinaya Cumar Caydiid maxaa wadadan u geeyay Jabuuti-baabu ku dhashee, halkuu ku bartay, muxuu qalabkiisa oo dhan u keenay, dad badan oo Somaliland jooga ayaa I waydiiya..Inyar ayaan ka sheekaynayaa taariikhda wadadani noloshayda igu leedahay, waxa I dhashay hooyo aad u xoolo jecel, maalintaan saddex jir ahaa ilaa markaan 13 jir gaadhay waxaan ka dhexeeyay halka ay ugu sokeyso Qool-caday, ugu shishayso Awaare, 10-kaa sanadood miyiga dhibaato ayaa iga soo martay, 10-kaa sanadood  waxay iigu darnayd 1977-kii, markii aan ka soo lugeeyay Abokor ilaa Hargeysa, waayo gawaadhidii dadka qaadaysay waala raafay oo dagaalka ayaa la geeyay, 14 habeen-baan u soo dhaxay Hargeysa”

Ganacsade Cumar, waxa kale oo uu soo qaaday “Waxa iigu xigtay mar gaadhi Muxawil la igaga soo saaray Abokor aniga oo 8 jir ah, gaadhigaasi Ina Guuxaa ayuu ku hakaday, odeygii gaadhiga lahaa oo guri uu Ina-Guuxaa ka qadaynaya ayaan ku idhi adeer aan kula qadeeyo, ilayn muxawil ayaan ahay oo xitaa waxaan ku qadeeyo ma watee, waar orod oo gaadhiga fuul-buu yidhi Muxawil ayaanu kugu soo qaadnee, galan biyo ah ayaan ka darsaday Maqaaxi ku taalay ina Guuxa, markii aanu Hargeysa galnay ayaan Dacar matagay, markaa wadadaasi aad ayay ii ciishay, laakiin waxaan filayaa inaan maanta ka adkaaday, mar walbana waan ku fikiri jiray in wax laga qaban karo haddii la isku tiirsado”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Wadada intii ugu adkayd waa laga soo baxay, waxaan u mahad-naqayaa dawladda oo 5KM ee ugu horeeyay ay tidhaahdo anaga ay bixiso, weliba ay tidhaahdo mar kasta oo aad shan samaysaanba anaguna shan ayaanu bixinaynaa, waxayna ka dhigan tahay haddii 40KM inoo hadhansan yihiin inay dawladdu bixinayso 20KM, dawladduna way mahadsan tahay”