Xukuumadda Somaliland Oo Aan Weli Qabanin Ninkii Rasaaseeyay Xildhiban Qabile Iyo Ciidamo Ku Maqan

1
528

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaan weli gacanta ku dhigin ninkii dhawaan rasaasta ku riday xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, kaas oo lagu magacaabo Tabaarik Maxamed Ducaale.

Eedaysanahan ayaa magaalada Hargeysa la sheegay inuu si qarsoodi ah kaga baxay, ka dib markii uu ka war helay qorshe ay ciidamada Boolisku ku qabanayeen, waxaana la sheegay inuu tagay magaalada Dacarbudhuq. Warar hore u soo baxay ayaa sheegay in habeen hore la qabtay, laakiin warkaasi maaha mid run ah, islamarkaana weli muu soo gelin gacanta ciidamada ammaanka. Hase yeeshe warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in lagu saaray ciidamo Boolis ah, kuwas oo amar ku qaba inay soo qabtaan, waxaana raadinaya laba baabuur oo boolis ah oo ay wataan saraakiil Booliska ka tirsani.

Xildhibaan Qabile, ayaa hore u sheegay in ninkan iyo koox kale oo la socotay ay toddobaadkan dhammaaday goor habeenimo ah rasaaseeyeen, waxaanu sheegay inay ku rideen saddex xabadood, laakiin wax dhibaato ahi may gaadhin.  Xildhibaanka ayaa weerarkaas ku xidhiidhiyay wasiirka warfaafinta iyo wasiir xigeenka amniga oo labaduba beeniyay inay ku lug lahaayeen weerarkaas.

Dhacdadan ayaa noqotay mid ku cusub wadanka Somaliland, inta la ogyahayna lama arag taariikhda Somaliland siyaasiyiin mucaarad ah oo la bar tilmaameedsado.

Comments are closed.