Labada Xisbi Mucaarad Oo Qalbi Furan Ku Qaabilay Shirkii Wada Tashiga Qaran Ee Ay Madaxda Madashu Ku Wareejiyeen Maamulkiisa

0
514

65465654654Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi mucaarad ee Wadani iyo UCID ayaa qalbi furan ku qaabilay codsigii ay madaxda madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku kaga codsatay inay ku wareejinayaan shirkii wada tashiga qaran ee ay hore ugu baaqeen.

Madasha wada tashiga ayaa dhawaan sheegay in shirkii ay wadeen ay ku wareejiyeen labada xisbi mucaarad. Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka,ayaa sheegtay in shirkii ay hore ugu baaqeen ay ku wareejiyeen labada xisbi mucaarad si ay u  soo qaban qaabiyaan shirkaas oo lagu gorfayn doono arimo dalka la xidhiidha. Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inay UCID ahaan aqbaleen, waxaanu sheegay inay madashu u sheegtay inuu xisbiga kale ee Wadan isna aqbalay. “Xisbi ahaan waanu aqbalnay,markaanu isla eegnay sababo dhawr ah,qodabka koowaad wada tashigu mabda’iyan waa wax aanu mar walba aaminsanahay oo ogalnahay dhankasta oo uu ka yimaado,hadduu xisbiyo ka yimaado,hadduu xukuumada ka yimaadaba,hadduu  dadka ka yimaado iyo xataa haddii uu ururo aan siyaasi ahayn uu ka yimaado, wada tashigu waa fikrad uu dastuurkeenu ku dhisan yahay,marxaladan aynu imika maraynana waa muhiim in lays waydiiyo siday wax yihin iyo maxaa xal ah,fikirkana horeba waanu u qabnay in loo baahan yahay kolayba UCID ahaan, bal in arimo siyaasada ubadan laysla eego,haday tahay mustaqbalka dimuqraadiyada,xoriyatul-qawlka iyo xuquuqda aadamiga, doorashooyinka soo socda iyo arimo badan oo kale.”

Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi  “Markaas qoladan wada tashiga oo dhexna iska ahayd culays badan ayay xukuumadu saartay,shir ma qaban karaan,sharci maaha iyo iyagii oo la bar’tilmaameedsaday,markaas si rasmi ah ayay noo waydiiyeen anaguna si buuxda ayaanu u ogalaanay, inaanu kala qaybgalno qabashada shirkaas anaga oo magaca xisbiyada mucaaradka ah ku qabanayna,wayna  jiraan dad qaabilsan oo kala shaqeeya. Markaas fikirkaas waanu ogalnahay,waxanina waa waxay talo-uun ka soo baxi karto ee maaha wax qayrul dastuuri ah, xukuumaduna inay talo ku soo darsato way ahayd ee waa-kuwan iyagu wada tashiga shakiga ka qaba. Anaga qoraal rasmi ah ayay noo soo qoreen waanan uga jawaabnay inaanu ogalaanay dhinaca kale [Wadani] laftigiisa way noo sheegeen inay u qoreen oo ay isla ogalaadeen.”    

Shirkan ayaa la filayaa inay wakhtigiisa cayimaan laba guddi oo ka kala socota labada xisbi mucaarad ee Wadani iyo UCID.